Madaxwayne Laftareen oo baaq deg dega u diray bulshada Soomaaliyeed

Published: January 2, 2020

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismaadaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in halkaasi dadka lagu xasuuqay ay dhamaantood ahaayeen kuwii ugu fiicnaa Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay shacabka beegsanayaan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka inay u midoobaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *