Muqdisho – Wax ka ogow dilaagii macallinka ka ahaa Jaamcadda

Published: January 2, 2020
Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa nin shalay ay maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho ah, isagoo lagu helay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab isla markaana uu gaystay falal argagixiso iyo dil ah.

Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano Ilkacase ayaa ka mid ahaa toddoba nin oo maxkamadda milatariga ay ku xukuntay dil, waxaase mas’uuliyiinta amniga iyo maxkamaddaba uu u sheegay inuu ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa hawlgallada magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa haddaba la sheegay inuu macalin ka ahaa kulliyado ku yaalla magaalada iyo weliba dugsiyo sare, isagoo dhigi jira luuqadda Ingiriiska.

Mid ka mid ah kulliyadaha uu wax ka dhigi jraay ayaa VOA u sheegtay inuu ka tagay bishii Maarso ee sannadkii hadda dhammaaday ee 2019-ka, isla markaana aysan ka war haynin inuu xiriiir la lahaa ururka Al-Shabaab.

Maxamed Xaaji Axmed ayaa waxaa dhalay sarkaal ka tirsan booliiska, balse dacwad-oogista ayaa sheegtay in sababta uusan u dilin aabihii ay ahayd inuu gabbaad ka dhigto si loo dammiinto.

Maxamed waxaa lagu helay inuu ka dambeeyey dilka saddex Jeneraal oo ka tirsan booliiska iyo milatiriga iyo sarkaal kale oo ka tirsan booliiska. Saraakiisha lagu helay dilkooda ayaa kala ah:

Jeneraal Ismaaciil Axmed Cusmaan iyo Jeneraal Maxamuud Xaaji Calow oo ka tirsanaa booliiska; waxaa kaloo lagu helay inuu dilay Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Sheekh Quruurux oo ka tirsanaa milatariga.

Sidoo kale waxay maxkamaddu ku heshay inuu dilay laba-alifle ka tirsanaa ciidamada booliiska oo lagu magacaabay Maxamed Cumar Sheekh Cusmaan.

Sidoo kale waxaa lagu helay dilka ku xigeenkii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Maxamed Cabdiraxman Maxamuud. Maxamed ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay agagaarka tiyaatarka 22-kii December sannadkii 2018-ka oo ay ku dhinteen toban qof oo uu ku jiro weriye Cawil Daahir Salaad.

Haddaba sidee ayaa ugu dambayn lagu qabtay ninkaasi. Warar aya idaacadda VOA ka heshay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ninkan magaciiisa ay ugu horrayn maqleen laamaha amnigu sannadkii 2014-ka kadib markii rag wata bastoolado oo lagu qabtay degmada Xamar Weyne ay sheegeen inuu bastooladaha usoo dhiibay nin lagu magacaabo Xudeyfi. Sannadkii ku xigay xubno kale oo loo qabtay falal la xiriira Al-Shabaabnino ayaa sidoo kale xusay isla magaca Xudeyfi.

Bishii Janaayo ee sannadki 2016-ka waxaa qabtay laamaha amniga oo la xiririinayey Al-Shabaab, hase yeeshee waxa la sii daayey bishii April 2016-ka kadib markii uu sheegay inuu yahay macallin jaamacadeed, taasi oo xilligaas la caddeeyey. Xilligaas ciidamada amnigu ma aysan fahamsanayn in Maxamed Xaaji Axmed uu yahay Xudeyfi.

Waxa uu billaabay inuu adeegsado magacyo kale. Maxamed oo ka hadlaya magacyada kala duwan ee uu istcimaalayey waxa uu maxkamadda u sheegay.

Rag loo qabtay inay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay tiyaatarka qaranka 22-kii December 2018-ka oo uu ku dhintay weriye Cawil Daahir Salaaad iyo sagaal qof oo kale ayaa ku eedeeyey inuu ku lug lahaa qaraxaasi Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase.

Bishii May ee sannadkii hadda dhammaaday 2019-ka ayaa ciidamada amnigu ay qabteen Ilkacase. Waxaana shalay ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

VOA + HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *