Qorshaha Adag ee Dowladda Puntland 2020 Kaga Soo Fool leh Wadada Garowe-Bosaso

Published: January 2, 2020

Mowduucan wuxuu u baahan yahay Baaritaan dhab ah oo laga sameeyo dhibaatada ka dhalatay roobabkii ka da;ay Puntland 2019, iyo saamaynta ay ku yeesheen is-gaarsiinta iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Puntland oo lala kaashado dad daacad ah oo aqoon iyo khibrad u leh Howshaas.


Wadadaas oo dhererkeedu dhan yahay 500KM, oo isugu jirta Buuraley, Dooxooyin loo farsameeyay markii la dhisayey jidkaas in lagu sii shaqaysto muddo 30 sano ah, iyo Togag biyo mareen ah oo aan loogu tala galin Buundooyinka inay sii shaqeeyaan in ka badan mudadii looga tala galay oo hadda khatar ku ah gaadiidka adeegsada.


Hase yeeshe markii mudadii loogu tala galay ay dhamaatay, isku mar Roobabkii da;ay ay buundooyinkiina burburiyeen, laamigiina buuralayd dhexdeeda Birihii la geliyey ay daxalaysteen qayb badan oo gaadiidkii marayey ah ay dhib u gaysteen Jidkaas Halbowlaha u ah jiritaanka dhaqdhaqaaqa dhaqaale, isgaarsiineed iyo nabadgelyo lamana siin, mudnaanta u lahaa in si qorshaysan loo dayactiro 30 sano ee burburka ka dambeeyay.


Wadadaasi iyadaa mudnaanta ka leh howl kasta oo laga qaban laha meelo kale oo dalka ka mid ah taaso isku xirta dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Somaliya oo dhan.


Dhibaataduna waxay ka dhalatay dakhligii loogu tala galay Hay;adda wadooyinka ee NESHA inay ku dayactirto jidadkaas oo dowladdii C/weli miisaaniyadeedii u wareejisay Madaxtooyada taaso hay;addii ka dhigtay Howlgab.


Badeecooyinka ganacsi ee ka soo dega Dekedda Bosaso, iyo kuwa laga dhoofiyo sida Xoolaha iyo wax soo saarka dalka sida xabkaha, kalluunka, sisinta, liinta IWM oo laf dhabar u ah dhaqaalaha Dalka Somaliya iyo wax soo saarka kale ayey saamayn ku yeelatay.


Iyadoo la og yahay in Dowladda Puntland aaney awood dhaqaale iyo farsamo u Hayn dib u dayactirka wadadaa halbowlaha u ah jiritaanka dhaqaalaha iyo isu socodka dalka mar keliya oo kharash aad u badan u baahan


Misana waxaa mudan in lagu baraarujiyo madaxda Dowladda Puntland inay la kaashadaan cid kasta oo wax kala qaban karta iyo Dowladda Muqdisho oo kaalmadii magaca Somaliya lagu helay ay Villa Somaliya soo dhaafi weyday, shacabkana lagu wacyi geliyo inay kaalintooda wadadinimo ku kaabaan fulinta iyo dhiirri gelinta sidii wadadaas muhiimka u ah nolosha dalka iyo dadka loo hirgelin lahaa.

Xigasho:Wargayska Kaahabari

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Arimaha ay ka mid yihiin jidadka, dekedaha, buuntooyin iwm, waxey u bahan yihiin kor meer joogta ah oo garwadeen ka yihiin dad aqoonteeda leh . Waxa kale ee loo baahan yahay in lo qoonteeyo dhaqaale u gaar ah, si lo dayactiro wixii dhib ah oo lagu arko, waana in la dhayalsan talada ay soo jediyaan dadka aqoonta u leh isla markiina wax laga qabta inta ayan talo fara ka bixin.
    Fiiro gaar ah: wa in lo daya howshaas dadka wax ka garanaaya.