30 Xubnood oo Ka Tirsan Maleeshiyaad Alshabaab oo Lagu Dilay Shabeellada Hoose.

Published: January 3, 2020

Ciidamada komondooska ee Danab ee dowladda federaalka ayaa sheegay inay gobolka Shabeelaada Hoose ku dileen 30 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Ururka Alshabaab.

Danab waxay sheegeen in xubnaha la laayahay ay qaraxyo ku diyaarinayay gaadiid ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha guudata 16aad, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa caddeeyay in sidoo kale duqeyn dhinaca cirka oo Maraykanku fuliyay lagu gubay gaadiidkii ay kooxda Alshabaab ku doonayeen inay ku qarxiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Howlgalkaan uu qeyb ka yahay howl-gallo ay ciidanka kumaandoostu ku baacsanayeen haraadiga ururka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maalma ka hor ayaa ciidamadu Danab waxa ay Alshabaab kala wareegeen todoba tuulo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, iyada oo Taliyuhu uu sheegay inay sii wadayaan howl-gallada inta laga soo afjarayo jiritaanka Kooxda Shabaab.

28kii bishii December ayaa weerar ismiidaamin ah oo ururka Alshabaab ay ka fuliyeen isgoyska Ekiskontorool Afgooye waxay ku dileen 90 qof, 175 dhaawacyo aya

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *