Ciidanka Kenya oo Toogasho Ku Dilay Xubno Alshabaab ah

Published: January 3, 2020

Ciidanka ammaanka ee wadanka Kenya ayaa sheegay inay toogasho ku dileeb Afar qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeene ururka Al-Shabaab,

Isku duwaha Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya, John Elungata, ayaa sheegay in ay Ciidankoodu ku guuleysteen dilka Afartaasi xubnood, mid kalana ay Gacanta ku dhigeen isaga oo nool.

4 qof ee la dilay ayaa loo haystay inay masuul ka ahaayeen ayaa halkaasi dil iyo dhaawacba ugu geystay Dad Shacab ah oo saarnaa Gaari rakaab ahaa oo kusii jeeday Lamu.

Xubno la aamisan yahay inay ka tirsan yihiinMaleeshiyaadka Ururka Alshabaab ee Somaliya ayaa weerar gaadmo ah waxa ay ka gaystay Gobolka xeebta ah ee kenya iyo sidoo kale gobolka waqooyi bari ee Somalidu degto. weeraradaas ayay ku bartilmaameedsadaan saraakiisha dowladda iyo dadka aan muslimiinta ahayn ee degan gobolkaas.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *