Trumpt '' Dilka Sulaymaani wuxuu ahaa mid dagaal lagu joojinayo''

Published: January 4, 2020
Sawirkaan waxaa la qaaday 17 july 2019, Xili uu ku jiray Trumpt Olalaha doorashada Maraykanka.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka oo ka hadlay dilkii Gen Qaasim Sulaymaani ayaa sheegay in uu ahaa m id lagu joojinayo dagaal ee uusan doonayn in uu mid bilaabmo, Trumpt ayaa ku eedeeyay Sulaymaani in uu qorshayanayay dagaal lagu qaado dalka maraykanka.

waa uu dhamaaday waqtigii Aragagaxa” ayuu yiri Trumpt ka dib markii Jimcihii lagu dilay weerrar dhanka cirka ah oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Baqdaad ee dalka Ciraaq Generaalka awooda badan lahaa ee hogaaminayay ciidamada Quds Gen Qaasim Sulaymaani.

Sawir Hore: Qaasim Sulaymaani

Qaasim Sulaymaani ayaa madax ka ahaa howgallada Iiraan ee Bariga Dhexe waxa uuna hogaamin jiray ciidammada Qudus. Dawlada Iiraan ayaana wacad ku martay in ay aargoosan doonto, Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Dalka Iiraan Aayatulaahi Khumayri waxa uu yiri ” Jawaab xoogan ayaa sugaysa denbilayaasha” taas oo uu ula jeedo maraykanka, Javid Zarif Wasiirka Arimaha Dibadda Iiraan waxa uu sheegay in maraykanku uu yahay aragagiso caalami ah.

Xiisada Siyaasadeed ee Barigga dhexe ayuu saamayn ku yeelan doonaa dilka Gen Qaasim Sulaymaani, Dawlada Maraykanka ayaana sheegtay in 3kun oo askari ay u diri doonto Barigga Dhexe si kor loogu qaado taxadarka, sidoo kale digniin amni oo ka soo baxday wasaarada arimaha dibadda maraykanka ayaa looga digay dadka haysta dhalashada maraykanka in ay ku safraan wadamadaas si gaar ah ay iska ilaashaan imaanshaha safaarada baqdaad ay ku leeyihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *