Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ay isticmaalaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka

Published: January 5, 2020

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saakay lagu qaaday saldhigg ciidan oo ku yaalla deegaanka Manda-bay ee gobolka Lamu.

Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga, kuwaas oo sheegay inuu fariisin ama saldhig u yahay ciidamo Mareykan iyo Kenyaati ah.

Bayaan ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo goordhow ay baahisay Al-Shabaab ayaa looga hadlay dagaalkaasi.

“Aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah, ciidamo gaar ah oo katirsan guutada Istish-haadiyiinta ama is qarxinta Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan oo ku yaalla deegaanka Manda Bay ee dhanka koofureed kaga beegan xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada ka dhanka Ah Aqaacida”

ayaa lagu yiri Warka Al Shabaab.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay u suuragashay in ay si qarsoodi ah ku galaan gudaha saldhigaas militari ee sida aadka ah loo ilaaliyo, iyagoona sheegay in uu hadda dagaalku ka socdo gudaha saldhigga lana wareegeen qeybo ka mid ah xerada.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliska Ciidamada Kenya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *