golis

Doorasho Caynkee ah Ayaa Soomaaliya ka dhacaysa 2020-2021? (Qaybta kowaad)

Gabar ka tirsan Baarlamaanka oo doonayasa Madaxweynaha 2017

Sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya waa in dalka afartii sanaba hal mar doorasho ka dhacdo. Doorashadii sadeddexaad ee dalka gudihiisa ka dhacaysa wakhtigeedi waa soo dhowaadey,  Waxaana mugdi weyn ku jirta qaabka doorasho ee dalka ka dhici doonta. Haddaba waxaan isku dayaynaa in aan akhristayaasha la wadaagno aragtiyada iyo waxa aan ka fahmney Sharciga Doorashada, Xeerka Xisbiyada, Doonitaanka Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya, Damaca Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Riyada Xisbiyada Qaran iyo doorka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Geeddi socodka iyo dib u yagleelida Qaranimadii Soomaaliya waxay  ka soo bilaamatey Tuulada Carta ee Dalka Jabuuti bilashadii Qarniga 21aad, kadib markii lagu fashilmey shirarkii 1991-1997dii. Shir weynaha Nabadeynta Soomaaliyeed  ee sanadkii 2000 tuulada Carta waxaa ka soo baxay: 

  • Dhismaha (TNG) Xukuumadda Qaran ee Kumeel-gaarka ah, Jamhuuriyada Soomaaliya
  • In wax lagu qaybsado 4.5 (Afar beelood iyo kuwa badan oo la isu geeyey 0.5 laga dhigay)
  • Dastuurka kumeel-gaarka ah ee Qaranka

Madaxweynihii lagu soo doortey dalka Jabuuti Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan waxaa ka horyimid awoodihii dalka ka jirey oo dhan, waxaana uu noqdey mid aan dhaafin Xaafadda Hodan ee magaalada Muqdisho ee uu degganaa, waxaana lagu khasbanaadey in shir labaad la qabto kaas oo ay ka soo qayb-galaan Hoggaamiyo kooxeedyadii hubeysnaa iyo maamulka Puntland,dalka  Kenya 2002, waxa uu ahaa shirkii ugu dheeraa ee Soomaalida loo qabto, ugu danbeyn sanadkii 2004 waxaa ka soo baxay.

  • In lagu heshiiyo nidaamka Federaalka
  • Dib u qoridda Dastuurka laguna muujiyo Federaal in dalku qaatey
  • Waxaa la sii adkeeyey hab qeysbniga 4.5
  • Waxaana lagu soo doortey Madaxweyne cusub

Muddadii labaatanka sano ahayd ee uu socdey dib u unkidda Qaranimada Soomaaliya waxay ahayd mid hadba heer taagneyd, Madaxweynayaashii  baarlamaanku doortey midba meel ayuu wax soo gaarsiiyey, Col Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN) ayaa wax ka bilaabey meel eber ah, waxaana uu gaarey in uu Dowladda geeyo xarunteedi Villa Somalia isaga oo taageero ka helaayey Dowladda Itoobiya, kadib markii  Xildhibaanadii Baarlamaanku ka hor yimaadeen oo Beesha Caalamka iyo Dowladda Itoobiya dhabarka u jeediyeen waxa uu iska casiley xilkii, waxaana uu noqdey Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya oo xilka iska casila isaga oo aan dhamaysan mudadiisa. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo baarlamaan 550 xildhibaan gaaraya ay ku doorteen dalka Jabuuti 2009, ayaa isku dayey in mirihii uu beeray ee lagula dagaalamey Madaxweynihii ka horeeyey in uu wax ka qabto oo dib ula dagaalamo, waxaana wakhtigu kaga dhamaadey dagaaladii Muqdisho looga saarey al-Shabaab sanadkii 2011, waxaana  dagaaladaas si xoogleh uga qaybqaatey AMISOM oo horey u ahayd nabad ilaaliyaal keliya, Xiligii Sheekh Shariif inkasta oo dagaallo badan ay ka dhaceen Muqdisho ayaa la qabtey saddex shaqo oo waaweyn :

  • Dib u eegista Dastuurka iyo ansixintiisa oo ay ka qayb-qaateen ergooyin,
  • Ka saaridda dalka Dawlad kumeel-gaar ah,
  •  iyo in Doorashada lagu qabto dalka gudihiisa markii u horeysey. 

Waxaana Dowladdaas lagu dhisay shirarkii dalka gudhiisa ka dhacay sida, Garowe 1 iyo 2, Galkayo Amendment, iyo kuwo Muqdisho ka dhacay, waxaana awooda lahaa Madasha Qaran oo ka koobnaa, Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo ku-xigeenkiisa, Afhayeenka Baarlamaanka, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug.

Dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud ee ahayd tii u horeysey ee aan kumeel-gaar ahayn ayaa geeddi socodka halkeedi ka sii waddey waxaana  ay qabatey in mudadaas dalka ay ka dhismaan Dowlad goboleedyadii ugu badnaa inkasta oo qaarkood aysan waafaqsaneyn dastuurka qodobada lagu asteeyey shuruudaha dhisamaha Dowladaha xubnaha ka noqonaya Federaalka, waxaana ay ku fashilantey: 

  • Xasilinta dalka
  • Dhamaystirka iyo qabya tirka Dastuurka federaalka, 
  • Iyo qabashada doorashooyin hal qof iyo hal cod ah,  

Waxaa mar kale awoodda laga qaadey Baarlamaankii waxaana talada la wareegay Madasha Sare ee Qaranka oo markaan ka koobneyd  Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka, Rayslawasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada. Madasha Qaran ayaa ku guuleysatey sanadkii 2016/2017 in dalka ay ka dhacdo doorashadii dadbaneyd ee lagu soo xuley Xildhibaanada  doortey Dowladda uu hadda Madaxweynaha ka yahay Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si lamid ah Dowladdii ka horeysey waxaa dowladda Madaxweyne Farmaajo laga sugaayey.

  • Xasilinta dalka iyo  dib u soo celinta dhulka al-Shabaab haysto
  • Xoojinta isla xisaabtanka maaliyadda, hufnaanta iyo iskaashiga
  • Diyaarinta bilowga bixitaanka AMISOM 12/2018 sida GA/QM qorsheeyey
  • Dhamaystirka Dastuurka iyo qabyo tirka si afti dadweyne loogu codeeyo
  • Dhamaystirka nidaamka Federaalka ah
  • Iyo qabashada doorashooyin hal qof iyo hal cod ah.

Guushii Madaxweyne Farmaajo ma ahayn mid aad loo saadaaliyey, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kamid ahaa musharixiinta ugu khibradda yarayd ee isa soo sharaxay,  ma ahayn musharaxa ugu dhaqaalaha badan ama doorashada ku kharash gareeyey lacagta ugu badan, sidoo kale ma ahayn musharax barnaamijkiisa si soo jiidasho ah u soo bandhigi karey, waxaase uu ka faa’ideystey fursad weyn ee soo martey taas oo ahayd, in la doonaayey qof cusub oo mucaaraadka dhankiisa ka socda,  sidoo kale waxaa jirtey caro badan oo dadka qaarkiis u qabeen Dowladda Itoobiya iyo Gen. Gebra oo galaangal weyn ku lahayd siyaasadda markaas, taas oo sooba jeedisey in aan la dooran karin nin ka soo jeeda Beesha Daarood, waxaana ay si cad ula safteen Madaxweynihii xiligaas, Farmaajo waxa uu ka faa’ideystey kala jabka ku dhacay Xildhibaanadii sheegan jirey in ay xubno ka yihiin Xisbigii Daljir ee taageerayey Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sh. Axmed, siyaabaha kale ee lagu doortey Farmaajo ayaa ahayd in loo arkaayey in uu yahay waddani aad uga soo horjeeda danaha shisheeyaha iyo dalalka deriska ah. Dhanka kale ma ahayn mid qarsoon in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka soo horjeedey nidaamka Federaalka iyo hab-qeybsiga 4.5, marka la eego 9kii bilood ee uu raysalwasaaraha ahaa 2010/2011, iyo ololihiisi doorashada.  Siyaasiyiinta ku taageeray ololihii doorashada soona saarey Madaxweynwe Farmaajo waxaa ugu cuslaa Fahad Yaasiin Daahir oo ahaan jirey suxufi xiriir dhaw la lahaa Dowladdda Qatar. Fahad waxa uu ahaa Ideologisti si weyn u aaminsan Dowlad dhexe oo xoog badan in dalku lee yahay. Iyada oo laga faa’ideysanayo khibradihii Dowladdii ka horeysey ee isku daydey qudheedu in ay ka hortagto dhisamaha Dowlad goboleedyada ayaa isla sanadkii kowaadba waxay dagaal ku qaadeen in la burburiyo Dowladihii dhisnaa oo laga dhigo kuwo ay iyagu dib u dhisaan oo taagdaran, waxaana lagu bilaabey Hir-shabeele, Gal-mudug iyo Koonfur Galbeed, taas oo ku qaadatey labadii sano ee u horeysey, waxaase ay caqabad weyn kala kulmeen Gal-mudug oo bareeg u qabatey xawaarihii ay ku socdeen. Waxay kala direen Madashii Qaranka, waxaana ay u beddeleen Golaha Amniga Qaran oo ay ka dhigeen meel looga hadlo Amniga oo keliya. Dhanka Puntland waxay Dowladda Farmaajo,  faro gelin ku sameeyeen Doorashadii 2019, waxaana qorshuhu ahaa in Xildhibaano badan oo taabacsan Dowladda Federaalka la soo saaro, kuwaas oo doorta Musharaxa ay Dowladda federaalku u tilmaanto qorshahas ayaa isaguna fashil ku dhamaadey, Qorshaha Xildhibaanada lagu soo saarayo ayaa loo xilsaarey xubno ka socdey hay’adda NISA, oo si qarsoodi ah ku joogey Puntland, laakiin waxa uu noqdey qorshe lacag keliya lagu cuno oo aan u hirgelin sidii la doonaayey, ugu danbeyntii dagaalkii ku wajahnaa nidaamka federaalka iyo Dowlad goboleedyada ayaa ku danbeeyey Kismaayo halkaas oo miraha ka soo baxay Dowladdu ay weli ictiraafi la dahay, waxaana ay maalmahan waddaa dib u dhiska Galmudug ay horay u kala tuurtay.

Waxaan dhihi karnaa arrimaha burburinta  maamuladii dhisnaa iyo dib u dhiska kuwa ay doonayaan ayaa qaatey  saddexdii sano ee maamulku jirey. Arrimaha kale ee laga sugaayey Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka mid aha Xasilinta Dalka taas oo aan wax badan laga qaban, ma jirto dhulal cusub oo al-Shabaab laga xoreeyey. Laakiin  waxay ku guulesyteen in dib u habeyn lagu sameeyo ciidanka Qaranka oo loo sameeyey diiwaan gelin casri ah, Dowladda Turkiga ayaa taageero buuxda siisey tababarada ciidanka waxaana ay Muqdisho ka soo saartey boqolaal askeri oo si wanaagsan u tababaran. 

Arrimaha maaliyadda, isla xisaabtanka iyo daah-frnaanta ayaa xukumadda federaalku tallaabooyin wanaagsan ka qaadey, taas oo hay’adaha IMF iyo Baanka Adduunku ay ku amaaneen Xukuumadda Federaalka ah hirgelinta isbeddelka nidaamka maaliyadeed iyo kor u qaadida dakhliga Dowladda,  ayaa dhabada u jeexeysa in Soomaaliya laga cafiyo Balaayin dollar oo deyn ah bilaha soo socda.

ARRIMAHA SIYAASADDA

Sida aan kor ku sheegnay arrimaha ugu muhimsan ee dowlad kasta ay ku fashilantey ayaa ah isbeddelka siyaasadeed, gaar ahaan dhamaystirka iyo dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya, si afti dadweyne loogu qaado iyo qabashada doorashooyin dadweynuhu ka qayb-qaataan. Marka laga yimaado in Dowladda Farmaajo ay ku fashilantey in wakhtigii loogu talo galay ay ku dhamaystirto Dastuurka Federaalka oo   malaayin dollar lagu dul cuno ayuu si weyn uga duwan yahay Madaxdii hore ee dalka soo marta marka la eego jaah-wareerka siyaasadeed ee ay dhici karto in dalku wajaho.

DOORASHADA KA HOR.

Haddii la doonayo in doorasho hal qof iyo hal cod ah ay dalka ka dhacdo waxaa loo baahan  yahay in wax laga qabto arrimo badan sida:

Doorasho qof iyo cod ah lama qaban karo ilaa dastuurka afti dadweyne lagu ansixiyo,  dastuurkii u danbeeyey ee afti dadweyne lagu meel mariyo waxa uu ahaa 1962.

XISBIYADA QARANKA?

Doorashada hal qof hal cod ayaa la doonayaa in ay ku tartamaan Xisbiyo, waxaana hadda la diiwaan geliyey xisbiyo kor u dhaafaya 60 urur kuwaas oo magac ahaan u jira laakiin haba yaraatee aan buuxun 10% Sharciga Xisbiyada ee dalka ee la meel mariyey sanadkii 2016, qof kasta oo doonayo in uu fahmo sharciga doorashada ee Golaha Wakiilada Dowaldda Federaalku ay ansixiyeen waxaa muhim ah in uu lala akhriyo Xeerka Xisbiyada haddaba qodobada  ay ka mid yihiin Qodobka 2aad, Qodobka 6aad,, Qodobka 4aad, qodobka 5aad, ma jiro hal xisbi oo fuliyey, kuwaas oo dhamaantood asaas u ah haykalka Xisbiyada.

DIIWAAN GELINTA

Qodobka kale ee muhimka ah  doorashada ka hor ayaa ah diiwaan gelinta codbixiyaasha, waxaa loo baahan yahay in ugu yaraan 40% dadka sharcigu u oggolaanayo dooraashada ka qaybqaataan,  sidaas darteed, si loo helo doorasho xalaal ah lagu kalsoonaan karo waxaa muhim ah in la sameeyo diiwaan gelinta casriga ah sida uu qabo sharciga doorashooyinku laakiin in shacabka la diiwaan geliyo loona diyaariyo doorashooyin waxaa ka horeeya wacyi gelin buuxda  in la helo taas oo qaadan karta wakhti dheer.

SUGIDDA AMNIGA

Doorashooyinka hal qof iyo hal cod  waxay ka dhici karaan magaalooyin badan iyo gobolo kala duwan, waxaa la isku raacsan yahay in ay Puntland ka dhici karaan, Galmudug, Hirshabelle meelo kamid ah Koonfur Galbeed meelo kamid ah Jubbaland, gobolka Banaadir laakiin waxa is weydiinta mudan ayaa ah sugidda amniga ka qayb-qaatayaasha doorashada iyo sidii loo yarayn lahaa khatarta al-Shabaab.

HESHIIS SIYAASADEED

Si doorasho u dhacdo waxaa loo baahan yahay in ay tahay wax laga wada tashtey maamulada dalka ka jiraa ay oggol yihiin oo la isla qaatey,  ma dhici karto wax aan heshiis laga wada ahayn in uu dalka ka dhaco, waxaana hadda jira in qaar kamid ah maamulada dalka ka jira iyo Dowladda federaalku ay kala taagan yihiin, sidaasna ma ahan wax doorasho ku dhici karto.

Haddaba waxaan isla fahamney taariikhda kooban ee geeddi socodka Qaranimada Soomaaliya halka ay wax ka soo bilowdeen iyo halka ay maanta wax taagan yihiin, waxaan isla garaney  waxyaabaha la doonayo doorasho in ay dhacdo in la sameeyo, haddaba waxaan eegeynaa Sharciga Doorashooyinka ee hadda la yaala Golaha Aqalka Sare, haddii ay meel mariyaan sugaaya saxiixa Madaxweynaha oo keliya, sharcigan khaladaad badan ayaa ka buuxa weli, waxaa jira waxyaabo aan kala caddeyn, waxaana dul istaageynaa in uu yahay mid lagu qaban karo doorashada soo socota ee 2020/2021, ogow Soomaaliya siyaasadeeda mar kasta waxaa ka shaqeeya plan B, (qorshaha qarsoon haddii kan kowaad shaqeyn waayo) marka muxuu noqon doonaa plan B, haddii sharciga doorashooyinka ee hadda uu shaqeyn waayo oo lagu guuldaraysto in doorashada soo socda lagu qabto.

Qaybta Labaad waxaan uga hadleynaa Sharciga Doorashada, Damaca Madaxweyne Farmaajo, Doorka Dowladaha xubaha ka ah Federaalka, Waxa beesha caalamku dooneyso iyo qorshaha cid kasta u qarsoon Plan B.

Qore. Ismaaciil S. Aw-musse

Waa cilmi-baare ka tirsan Mac-hadka Diraasaadka iyo Cilmi-baarista ee Hayaan oo fadhigiisu yahay magaalada Garowe

You May Like

Reader Interactions

Comments

  1. Cabdulkhaaliq Bashiir Faarax says

    Anuu waxaan qabaa inaan waxba la sheegsheegin ee ciddii rabtaaba ha ku soo baxdeeh doorasha uun la qabto, oo wiliba xataa hal xaafad uun laga qabto. Waayo kala fadhi ka roon! Candhoba waa xumin ee haddiiba doorashaba la qabto waa uun sed.

  2. deeq Nur says

    Wallaal wa ku mahadsantahay xogta iyo faahfahinta aanan laheyn xigasho siyaasadeed. Runti wan u hanweynahay qeybta labaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *