Ra'iisul Wasaare Khayre oo shaaciyay magacyada guddi howl-gali doona 4 bilood kadib

Published: January 5, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da Luuliyo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga oo ka kooban 13 xubnood, kwaas oo u badan wasiirro ka tirsan xukuumadda Kheyre.

Wasiir Maareeye oo ah guddoomiyaha guddigaas waxaa wehliya xubnaha kala ah, wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo Caddaaladda, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha wasiirrada, Agaasime ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka.

Guddigan ayaa la sheegay in howshiisu ay ku egtahay laba bilood kadib xuska maalmaha xorriyadda, waxayna shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July ee sanadkan 2020-ka.

Sidoo kale waxaa la faray inay kaashadaan madaxda dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee heer gobol iyo heer degmo, waxaana xusid mudan in xiligan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamullada dalka ka jira uusan xiriir koodu wanaagsanayn.

Xubnaha guddiga ayaa loo ogolyahay inay dhisan karaan howlwadeeno ka hoos shaqeeya, iyadoo dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba laga dalbaday inay ka qeyb qaataan maalmahaas la weyn eynayo xorriyadda dalka.

Waxaa xusid mudan in guddigan la magacaabay ay shaqadoodu bilabaneyso afar bilood kadib, waxayna dad badani is weydiinayaan waxa soo dedejiyey in xiligan la magacaabo xubnahan wasiirrada u badan.

HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *