Askargii Dilay taliyihii Hore ee garoonka diyaaradaha Bosaso oo Dil Lagu Xukumay

Published: January 6, 2020

Maxkamadda rafcaanka ee ciidamada Puntland ayaa xukuno dil ah ku ridday Askari dil bareer ah u gaystay alle ha u naxariistee Taliyihii saldhiga Booliiska ee garoonka diyaaradaha Bosaso Xasan Shire Amaan.

Bidix, Gacan-ku-dhiiglaha dilka lagu xukumay iyo Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Garoonka Bosaso Xasan Shire Ammaan

Askarigan oo lagu magacaabo Axmed Aadan Maxamed Gaagaale waxaa uu ka tirsanaa ilaalada Garoonka, waxaana uu toogasho ku dilay taliyihiisii 7-dii december 2015.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ayaa ku guulaysatay inuu soo qabato askarigan oo muddo 3 sanno ku dhow baxsad ahaa, waxaana dhaawac soo gaarey markii la qabanaayey. Maxkamada ayaa hore ugu riday xukun dil tootasho ah hase yeeshee wuxuu qaatay rafcaan.

Maxkamadu waxay sidoo kale xukuntay in dowladda Puntland ay diyo ahaan u siiso ninka dilka lagu xukumay 67 neef oo geel ah oo dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay.

Dhinaca kale, Maxkamada Ciidamada Puntland waxay maanta xukun dil ah ku xukuntay rag loo haysto inay ka tirsan yihiin ururada Daacish iyo Al-shabaab.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *