DFS oo canbaaraysya weerarkii Alshabaab ee deegaanka Lamu.

Published: January 6, 2020

Dawlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ka hadashay weerarkii ka dhacay Deegaanka Laamu ee dalka Kenya kaas oo ay sheegatay Ururka Alshabaab, Weerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca, marna dib uma dhigi doonto dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dawlada Federaalka ah ayaa ku bogaadisay Ciidamada Kenya iyo Taliska Africom sida ay isaga difaaceen weerarkii uu ururka Alshabaab kusoo qaaday. “Dowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijinaysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqayso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *