Dowladda Federaalka iyo Hey’adaha IMF & Bangiga Aduunka oo Adis-ababa Ku Kulmay

Published: January 6, 2020

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa maanta ka furmay shir labo geesood ah oo u dhexeeya Madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Saraakiil ka socota Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka

Ujeeda Shirka ayaa lagu sheegay inuu ku saabsan yahay dib-u-eegista 2aad ee SMP4 oo ah hanaanka 4aad ee deyn cafinta Soomaaliya

Shirkan waxaa dhanka dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana inta uu socdo lagu gorfeyn doonaa waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda sanadkii tegay iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan sanadkan cusub ee aynu ku guda jirno.

“Inta uu socdo shirkaan u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha kala ah IMF & Bangiga Aduunka ayaan ku eegi doonnaa wixii innoo qabsoomay 2019-kii, wixii caqabado ah ee aan la kulannay iyo waxa aan hiigsaneynno sannadkan 2020-ka” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa xusay in gabo gabada shirka laga rajeynayo in ay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah, ummadduna ay ku wada qanacdo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *