Doorasho Caynkee ah Ayaa Soomaaliya ka dhacaysa 2020/21? (Qaybta labaad)

Published: January 7, 2020

Sharciga Doorashooyinka Qaranka Malagu Qaban Karaa Doorashada 2020-2021?

Waxaan horey u balan qaadney in aan akhristayaasha la wadaagno, waxa aan ka fahamsanahay doorashada 2020/21 ee Soomaaliya,  maqaalkii hore waxaan isla fahamney halka laga yimid ee geeddi socodka qaranimada Soomaaliya ka yimid, sidoo kale waxaan ku qaadanay waxyaabaha la doonayo in doorashada ay ka horreeyaan ee ay tahay in la qabto, haddaba qoraalkan waxaan dul istaageynaa Sharciga Doorashooyinka Qaran ee Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalku meel mariyey kadibna loo gudbiyey Golaha Aqalka Sare.

Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxaa ka horeeyey Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee Dalka ee la asnixiyey sanadkii 2016, labada sharci ayaa ah kuwo isu baahan oo mataaneysan, oo wada akhrintoodu macne yeelan karto.

SHARCIGA DOORASHOOYINKA

Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay meel marisey sharciyo badan oo loo baahnaa, maadaama sharciyadii horey u jirey wax iska beddeleen nidaamka dalka, Dowladuhu waxay ku shaqeyaan sharciyo iyo xeerar waafaqsan dastuurkooda, sharciyada qaar waxaa muhim ahaa in wadatashi la galiyo gaar ahaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,  maadaama Golaha Aqalka Sare aanu u shaqeyneyn sidii la rabey. Si kastaba waxaa guul ah in dalku yeesho Sharciga Doorashooyinka heer federaal, ama halagu galo doorashada soo socota ama dib ha uga dhaco, waxaase muhim ah in uu yahay mid la isku wada raacsan yahay oo xaaladda dalka aan uga darayn.

Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalku ay meel mariyeen ayaa ka kooban 7 cuutub iyo 58 qodob, waxanaa ujeedka sharcigan lagu sheegay sidan:

  1. In lagu maamulo doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
  2. In uu tilmaamo habraaca Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka;
  3. In lagu hirgaliyo doorashooyin waqtiila ah qof-iyo-cod ah oo xor iyo xalaal ah toos ah codkuna yahay qarsoodi kana maran cabsi gelin, loona maamulay si madaxbannaan, dhexdhexaad ah, hufan, kuna saleysan habraac sharci oo dhaqan-gal ah.
  4. In lagu qeexo oo laguna tilmaamo nidaamka doorasho ee dalka Soomaaliya.

Sharciga Doorashooyinka waxaa soo diyaariyey Xukuumadda Federaalka, waxaana golaha wasiiradu meel mariyeen bishii Maajo 2019, kadibna waxaa  loo gudbiyey Baarlamaanka Federaalka. Sharcigan waxaa ka horyimid qaar kamid ah Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka. 

Baarlamaanku waxa uu u saarey Guddi ka kooban 15 Xildhibaan si ay u soo turxaan bixiyaan, guddigu waxa uu safaro shaqo ku tegey dhamaan maamulada dalka ka jira xarumahooda, guddiga ayaa muddo 5 bilood ah kadib baarlamaanka ku soo celiyey Hindise sharciyeedka Doorashooyinka  Qaran iyo waxa la doonaayo in laga beddelo.

Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanku ansixiyey waxa uu wax ka beddeley kii hore, waxaana laga saarey qodobo kale oo aan waxba lagu beddelin waxaana kamid ah meelaha ugu muhimsan ee wax laga beddalay:

Doorashada Madaxweynaha: Sharciga ayaa la waafajiyey, in Madaxweynaha loo soo doorto sida dastuurku qabo oo ah labada Aqal oo wada jir ah ay si toos ah u doortaan, halka  sharciga doorashada markii hore uu qabey in Xisbiga hela Aqlabiyadda Baarlamaanka Musharixiisu uu si toos ah u noqonaayo Madaxweynaha dalka. Muddo kordhinta haddii doorasho dhici weydo ayaa iyadana wax laga beddalay iyo qodobo kale oo muhim ah.  Sharciga Doorashooyinka ee wax laga beddeley ayaa si toos ah u muujinaya in la ilaaliyo habkii horey wax loogu qaybsadey ee 4.5 inta tirakoob sax ah dalka laga samaynaayo.

Sharciga Doorashooyinku ma sheegayo goobaha ay doorashadu ka dhacayso deegaan ahaan, waxaana lagu koobay in ay dalka oo dhan ka dhacdo, marka laga reebo Somaliland oo tixgelin gaar ah la siiyey, laakiin goobaha codbixinta ee doorashadu ka dhacayso waxaa loo daayey Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka (GMDQ).

Nidaamka Doorasho: Qodobada kale ee ugu waaweyn ee isbeddelka lagu sameeyey ayaa ah in Doorashadu noqoto mid kursi kasta loogu tartamo goonidiisa iyada oo ay noqoneyso Horeeyaa Guuleysta (FPTP), ama cod dheeri lagu kala baxo, halka ay markii hore ka ahay in shacabku doortaan liis xiran (Closed list) oo Xisbiyo kala metalaya, dalka oo dhana uu yahay hal deegaan doorasho.

Nidaamka FPTP ee cod-dheerida lagu kala baxo  waxaa la dhihi karaa wuu ka fudud yahay kii hore, ee liiska xiran  la dooranaayey, laakiin waxa uu lee yahay cilado badan, sida in ay dhici karto Xisbi Aqlabiyadda codadka shacabka aan helin in uu dalka maamulo waxaana nidaamkan isticmaala dalal badan oo Afrika ah, Maraykanka, Kanada, Hindiya iyo Britain.

Haddaba sida sharciga Doorashooyinka Qaran ee Baarlamaanku meel mariyey uu sheegayo ujeedkiisa kowaad in ay tahay “In lagu maamulo doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa la isweydiinayaa in doorashada 2020/21 lagu maamuli karo sharcigan, sidoo kale waxaan dul istaageynaa waxyaabaha  sharcigaan keensanayo haddii ay noqoto in isaga la raaco taas oo ah in doorashada wakhtigeeda lagu qaban karin, iyo jaahwareerka ku jira sharcigan.

Ugu horeyn Sharciga Doorashooyinka Qaran kama hadlin waxa ka horeyn kara ka hor inta aanu dhaqan gal noqon taas waxaa ka hadley isla dastuurka dalka oo sheegaya in afti loo qaado ka hor doorashooyin hal qof  iyo hal cod ah, sida aan ku sheegney maqaalkii kowaad, haddaba waxa ugu horeeya ee la doonaayo ayaa ah in Dastuurka la qabyo tiro kadibna Afti dadweyne loogu codeeyo, marka la eego wakhtiga harsan sinaba suurtagal uma ahan in dastuurka afti loo qaado waana caqabada kowaad ee ka hor imaanaysa Doorasho hal qof hal cod oo dalka oo dhan ka dhacda.

180 maalmood: Guddiga Doorashada Qaran waxaa laga doonayaa 6 bilood ka hor in ay cayimaan maalinta doorashada dalku ay dhacayso. Mudada awooda dalka loo siiyey Goloyaasha Dowladda Federaalka  waxaa ka dhiman 12 bilood, Jan/2021, sidaas darteed Bilaha Juun/Luuliyo 2020 waxaa la doonayaa in ay caddahay maalinta doorashada hal qof iyo hal cod ah loo dareerayo.

120 maalmood: Isla Sharciga ayaa sheegaya in Xisbiyada laga doonayo in ay soo gudbiyaan magacyada Musharixiinta Xildhibaanada labada Aqal muddo 120 maalmood ah ka hor maalinta doorashada taas oo aysan ku jirin maalmaha fasaxa ah taas oo ka dhigeysa ku dhawaad 5 bilood ka hor maalinta doorashada waxaana ay ku beegan tahay bilaha Siteembar/Oktoobar 2020,  waa in gacanta lagu hayo liiska Musharixiinta labada Aqal.

KHALADAADKA SHARCIGA

Sharciga waxaa ku jira qodobo kale oo jaahwareer dalka gelin kara, lama garan karo sababta sharciga loogu daray habka Rayalwasaaruhu ku imaanayo, aynu ka dhigno in sharcigan lagu galay nidaamka doorashada dalkuna noqdey mid ay ka hirgasho Hal qof iyo Hal cod.

Tusaale: Saddxeda Xisbi ee B, T iyo J  ayaa ku guuleystey kuraasta ugu badan ee laba Aqal  ee Baarlamaanka, sida ay u kala horeeyaan, laakiin ma jiro Xisbi helay in ka badan kala bar kuraasta goloyaasha baarlamaanka, ama Aqalka golaha Shacabka, Xisbiyada (B) iyo (J) waxa ay ku heshiiyeen in ay hal musharax oo ah Madaxweynaha ah yeeshaan kaas oo ka imaanaya Xisbiga B, sidoo kale waxay heshiis ku gaareen in Xisbiga (J) la siiyo Raysalwasaaraha, heshiiska labada Xisbi ee B iyo J ayaa dhigaya in golaha wasiirada ay qaybsadaan isla Isbahaysiga B iyo J. Xisbiga (T) ee kaalinta labaad galay iyo Xisbiyada yar yar ayaa noqonaya kuwa hoggaaminaya Mucaaradka, arrintan waa heshiis siyaasadeed Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka iyo weliba sharciga Xisbiyadu ay oggol yihiin, laakiin waxaa is weydiin mudan sababta sharciga doorashooyinka loogu daray halka Madaxweynuhu Raysalwasaaraha ka soo magacaabayo.

Haddii la waayo xisbi ku guuleysta 50%+1 Xisbiyaduna ku guul daraystaan in la helo isbahaysi waafaqsan Sharciga Xisbiyada Siyaasadda qodobka 9 aad isbahaysigaaas oo buuxiya shuruudaha ku xusan jadwalka saddexaad ee isla sharcigan helana (50%+1), waxa la filan karo waa in ay adkaato in la helo hab loo magacaabo ra’iisulwasaare natiijada ka dhalanaysana waa in uu khilaaf loo maaro waayo ku yimaado mid ka mid ah hay’adaha dastuuriga ah oo ah hay’adda fulinta taasoo udub dhexaad u ah dowladnimada. Arrimaha caynkan oo kale ah laguma sheegin meelna iyo sida loo kala baxayo.

Soomaaliya mar waa Jamhuuriyad oo Madaxweyne leh marna waa Baarlamaani oo Madaxweynaha waxaa lagu soo doortaa nidaam Baarlamaani ah halka Xukuumadda uu Raysalwasaare  uu soo magacaabey hoggaamiyo, arrintan kama jirto dal caalamka kamid ah oo isticmaala, haddii ay jiraana waa nala wadaagi kartaa.

Qodobada kale ee yaabka leh ayaa ah,  qodobka tixgelinta gaarka ah siinaya Xildhibaanada Somaliland ka imaanaya,  waxaana sharcigu sheegayaa sidan ilaa iyo inta xal kama dambeys ah laga gaarayo xaaladda siyaasadeed ee gaarka ah ee hadda jirta, doorashada xildhibaannada labada gole ee kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) waxa uu yeelanayaa habraac u gaar ah waxaana xeer kusoo soo saaraya baarlamaanka JFS. Ugu horreyn halkee Somaliland loo yaqaan, ma gobolada Togdheer, Waqooyi Galbeed iyo Awdalbaa, mise gobolo kale ayaa ku jira, yaa waaye cidda loola jeedo Somaliland sharcigu ma qeexin, haddaba sidee ayaa la isugu dari karaa Xildhibaano la soo doortey iyo kuwo ku yimid xeer gaar ah.

Haddii doorashadu dib u dhacdo

Sharciga Doorashooyinka Qaran ee Golaha Shacabka ee Federaalku meel mariyey ayaa sheegaya sababaha doorashadu ay dib ugu dhici karto, waana sababo macquul ah, caalamka oo dhan ayeyna ka dhacdaa in doorasho dib loo dhigo haddii ay jirto sabab, marka loo eego sharcigii Golaha Xukuumadda ka yimid kan waa ka duwan yahay dib u dhaca doorashada, iyo waxa la samaynaayo waxaana uu dhigayaa in Guddiga Madaxa-banaan ee  Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ay dib u dhigi karaan iyaga oo goloyaasha Baarlamaanka (Labada Aqal) ka dalbanaya ugu badnaan in mudada doorashada dib loo dhigi karo ay tahay 6 bilood ka bilaameysa maalinta ay horey u qorsheeyeen, Sharcigu wuxuu sheegayaa haddii doorashadu isla maalinta cusub ku qabsoomi weydo waxa dhacaya waxaana loo dhigay sidan:

Farqadda 7aad ee qodobka 53aad ee ka hadlaya haddii doorasho dhici weydo,  ma sheegin wax muddo kororsi ah oo ka badan 6 bilood oo ay tahay in doorashada lagu qabto, haddii taasi dhici weydo waxaa la sheegay in Goloyaasha  Baarlamaanka (Labada Aqal) ay wadanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah ilaa doorasho laga qabto, sharcigu ma sheegin sida laga yelayo Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadda, waxaana muuqata in ay noqonayaan ku-simayaal caretakers aan awood lahayn. Tan maaha sida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo doonaayey.

Labada qodob ee ugu muhimsanaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku lahaa sharcigan ayaa la beddeley, kuwaas oo kala ahaa in Madaxweynaha lagu soo doorto codka shacabka oo aanu Baarlamaani noqon iyo muddo kororsiga oo dhamaan goloyaasha Dowladdu si siman u wada qaadanayaan taas oo iyana meesha ka baxdey oo lagu soo koobay lix bilood oo keliya.

Meelaha kale oo jaahwareerka ah ee Sharciga Doorashooyinka waxaa kamid ah dacwada iyo is-qabqabsiga, iyo maqnaanshaha Maxkamadda dastuuriga ah.

Xisbiyada Qaran

Qofkasta ee Soomaaliyeed waxa uu doonayaa in mar laga baxo nidaamka qabiilka iyo shakhsiga ku dhisan loona gudbo nidaam hufan oo siyaasadeed oo Xisbiyo ku dhisan, haddaba Sharciga Doorashooyinaka Qaranku waxa uu sheegayaa in Xisbiyo lagu tartamayo kuwaas oo si rasmi ah loo diiwaan geliyey, waafaqsan Sharciga Asxaabta Siyaasadeed iyo Dastuurka federaalka.

Hadda waxaa jira Xisbiyo ka badan 50 Xisbi oo is diiwaan geliyey, kuwaas oo diiwaan gelintoodu ay tahay kumeel gaar bal haddaba aan u bar-bardhigno sharciga Xisbiyada iyo shuruudaha laga doonayo.

Waxaa adag in la helo hadda Xisbi fuliyey shuruudaha ku xiran si u uu noqdo Xisbi si rasmi loo diiwaan geliyey, oo aan kumeel-gaar ahayn, Tan kale waxaan ilaa hadda la ogeyn halka isku-dhegganaanshaha madaxda hoggaamineysa Dowaldda Federaalku ku dhamaan doono, weli Xisbi Dowladda ah laguma dhawaaqin, Xiliyadan oo kale waxaa Dowladda dhexdeeda ka bilowda, isku shaandheyn golaha wasiirada ah, dalacsiin Saraakiil, iyo magaacaabista Safiiro iyo Agaasimayaal kuwaas oo dhamaantood ku dhisan olole doorasho.

Sharciga Doorashooyinka ayaa hadda la yaala Golaha Aqalka Sare, halkii la doonaayey in ay akhriyaan oo diidaan ama ansixiyaan waxay u saareen iyaguna guddi kale kaas oo aan la ogeyn inta uu qaadanayo, waxaana muuqata in Sharcigan xafiiska Madaxweynaha gaarayo bisha Maarso 2020, taas oo ka dhigeysa 11 bilood in ansixintiisu qaadato

Haddaba waxaa adag in Sharciga Doorashooyinka Qaranka lagu galo doorashada soo scota marka la eego caqabadaha badan ee ku gudban waxa la doonayo ka hor doorashada in la sameeyo iyo weliba wacyiga muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidaas darteed muxuu xalku noqonayaa, Qormada u danbeysa ayaan ku eegaynaa, Qorshaha Madaxweyne Farmaajo, Doorka Dowlad goboleedyada, doonitaanka beesha Caalamka iyo sida aan xalka u aragno ee doorasho lagu qaban karo 2020/21.

Qore: Ismaaciil X. Aw-musse

Qoruhu waa Cilmi-baare ka tirsan Machadka Diraasaadka ee Hayaan Institute fadhigiisu yahay magaalada Garoowe, Soomaaliya, PL


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Masha allah qoraaga alloow kuudaa cilmiga iyo maskaxda waa raga fara kutirska ee loo baahanyahay ( masulsare)