Gabar Soomaali ah oo loo dhaariyay Xubin Gole deegaan Ee Xaafada Louis Park.

Published: January 7, 2020

Naadiya Maxamed, ayaa loo dhaariyay xubin golaha deegaanka ee xaafadda dacalka ku haysa Minneapolis ee St Louis Park. Gabadhan 23 jirka ah ayaa noqonaysa qofkii u horreyay ee muslim, madow Soomaali ah oo ka mid noqota golaha deegaanka ee St Louis Park.

Naadiya ayaa ka mid ah dadkii dhawaan ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalka Maraykanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *