Iran: 40 Qof oo Ku Dhintay baroordiiqdii Jen Qaasim Solemani

Published: January 7, 2020

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay , 223 qofna waa ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday Aaska Qaran ee loo samaynayay General Qaasim Sulayman oo Maraykanku uu ku dilay magaaladda Baqdaad ee Ciraaq.

Aaska qaran oo qorshaysnaa inuu maanta dhaco ayaa dib loo dhigay sida ay sheegtay wakaalada wararka ee ISNA ee Iiraan. Wakaaladu ma sheegin waqti la aasi doono Generaalka,

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Tehran iyo Kerman ee dalkaasi Iiraan si ay ugu baroordiiqaan geerida Qassim. waxaa hoggaaminayay isu soo baxa Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, waxaana kala qaybgalay madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani.

Generaal Qaasim Sulaymaan ayaa madax ka ahaa guutada Qudus oo dagaalada dibada u qaabilsanayd ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan, waxaana 3 jannaayo lagu dilay diyaarad nooca duuliyaha lahayn oo maraykanku leeyahay.

Iiran waxa ay ku hanjabtay inay u argudi doonto generaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *