Maamulka Gobolka Karkaar iyo Wasiiro ka tirsan Puntland oo Qardho kulan ku yeeshay.

Published: January 7, 2020

Wasiirka Maaaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirka Amnigga Puntland Cabdisamed Gallan oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere oo maalmahan oo hawlo shaqo u joogay Magaalada Qardho ayaa la kulmay Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada-hadlay Xaalada Guud ee Gobolka Karkaar si gaar ah Arimaha Amnigga, Waxbarashada, Caafimaadka, Kaabyashaa Dhaqaalaha iyo Horumarada ka socda guud ahaan Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa is-xogwaraysi ” Wasiiradu hawlo shaqo ayay u yimaadeen, maanta waxaan iska waraysanay xaalada guud ee Gobolka , Si wanaagsan ayuuna noogu soo dhamaaday” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Karkaar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *