Maraykanka oo Ciidamo u Daadgureeyay Kenya kadib Weerarkii Manda Bay

Published: January 7, 2020

Cutubyo ka tirsan ciidamada Africom ee saldhigoodu ahaa dalka Jabuuti ayaa loo daadgureeyay wadanka Kenya kadib Maleeshiyaadka alShabaab ay maalintii Axaddii weerar culus ku qaadeen saldhigga ay adeegsadaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka oo ku yalala gobolka LAMU.

Hal askari oo Maraykan ah iyo laba qandaraaslayaal ah ayaa ku dhintay weerarkaas. Ciidamadan oo Maraykanka ugu talagalay ka jawaabita xaaladaha degdeg ah iyo ilaalinta danaha Maraykanka ee Bariga Afrika

” Ciidamadan EARF ee fadhigoodu ahaa saldhiga faransiiska ee Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti waxay awood u leeyihiin inay ilaaliyaan muwaadiniinta iyo safaaradaha Maraykanka uu ku leeyahay bariga Afrika” ayaa lagu yiri qoraal africom ay ku baahiyeen boggooda twitterka.

Weerarka Alshabaab ku qaadeen saldhiga milateriga Manday Bay waxaa kaloo ku dhintay 5 ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab oo ahaa kuwii weerarka ku qaaday saldhiga. Weerarka ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo xiisadi ay u dhexayso Maraykanka iyo Iiran oo la xiriir Dilkii Jeneraal Qaasim Sulaymaani oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka Iiran.

Dhinaca kale, Maraykanku wuxuu sheegay in Weerarkii ka dhacay Saldhiga Manday Bay aysan dowladda Iiran wax lug ah ay ku lahayn.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *