Mashruuc: Sifo Sharci Darro ah ayaa Lagu Ansixiyay Sharciga Batroolka

Published: January 7, 2020

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Khayraadka Qaranka Aqalka Sare 
ee Baarlamaanka Federalka Xildhibaan Mohamud Ahmed Mohamud (Mashruuc)  ayaa ka codsaday madaxweynaha dowladda federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuusan saxiixin sharciga Batroolka oo maanta uu ansixiyay aqalka sare ee barlamaanka.

Qoraal kooban oo ku soo qoray boggiisa facebooga ayuu ku sheegay in sifo sharci darro ah lagu ansixiyay sharciga Batroolka iyadoo la baalmaray xeer-hoosaadka aqalka sare iyo dastuurka KMG ah.

“maantay waxa la hor istaagay inuu maro sharicgu akhrinta 2aad iyo tan 3aadba. ee ku qoran xeer hoosaadyada Baarlamaanka. Sida uu maantay ku gudbay oo khatar ku ah daahfurnaan heshiisyada Batroolka, dhaqaalaha qaranka iyo ilaalinta guud ee danaha qaranka” ayuu yiri Xildhibaan Mashruuca

Wuxuu sheegay in wadamada Caalamka heshiisyada noocan oo kale ah ay meelmariyaan barlamaannadooda, marka laga reebo buu yiri dowladda Somaliya oo doonaysa inay isku daydo inay sharciga baalmarto

Xildhibaan Mohamud Ahmed Mohamud (Mashruuc) 

Waxaa sharcigani diidayaa ansixinta Baarlamaanka iyo xukuumadda waxaan saxiixi kara kaliya wasiirka isaga oo aan u baahneyn ansixinta goleyaasha Baarlamaanka.

https://www.facebook.com/Hon.Mashruuc/posts/817810145331225

28 Xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa maanta u codeeyay Hindise-sharciyeedka Batroolka, waxaana haa ku ogaalatay 24 Senator, halka ay ka aamuseen 4 Senator mana jirin cid diiday,

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xashi Cabdullahi oo ku dhawaaqay go’aanka waxaa uu sheegay in xeerku uu yahay ansax, waxaana la sugayaa oo kaliya inuu madaxweynuhu saxiixo

HORSEEDMEDIA

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Is too late now. The bill has been 6 months on your table and non of your members ever shown any concern. You need to be proactive not reactive.