Senator Muuse Suudi oo ka digay in shirkado shisheeye loo ogolaado inay soo saaraan batroolka

Published: January 7, 2020

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka digay in xilligan lagu deg deggo in shirkado shisheeye ogolaansho loo siiyo inay sahmiyaan, soona saaraan batroolka, sababo ku aadan dalka oo aysan ka jirin dowlad sal adag leh.

Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniintii meelmariyay Hindise Shirciyeedka Batroolka Dalka, ka dib markii uu horgeeyay Wasiirka Batroolka, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka mid ahaa Afar xubnood oo diiday Hindise Sharciyeedka Batroolka, iyadoo uu Muuse Suudi sheegay in dano gaar ah laga leeyahay.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la soo saaro batroolka, balse aan xilligan la soo saari karin, sababo ku aadan iyadoo aanay jirin sharci heshiis lagu wada yahay.

Sidoo kale wuxuu sheegay heshiiskan inay diidan yihiin Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, isla-markaana aysan jirin dowlado shisheeye oo damaanad qaadi kara shirkadaha la doonayo inay sahminta sameeyaan.

Waxa uu intaa ku daray in uu ka dhiidhin doono in la boobo badda ay leeyihiin reer Muqdisho iyo reer Hirshabelle, kuwaa oo markii horeba la boobaayay buu yiri dhaqaalaha ka soo xarooda garoomadooda iyo dekedahooda.

Muuse Suudi ayaa hadalkan ka hor sheegay Senatorada Golaha Aqalka Sare, ka hor intii aanay ansixin Hindise Sharciyeedka Batroolka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *