Deni: Puntland Qayb kama aha Sharciyada Doorashada & Batroolka ee La Ansixiyay

Published: January 8, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo caawa khudbad ka jeediyay dabaaldega loo sameeyay Sanaguuradii 1aad ee xiligii loo doortay madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay sharciyada doorashada iyo batroolka ee ay ansixiyeen labada aqal ee barlamaanka Federaalka

Wuxuu ku ammaanay qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka aqalka sare ee ka soo jeeday Puntland inay isaga baxeen markii la baalmaray habraacii lagu ansixin jiray xeerarka iyo sharciyada.

“iyadoo aanu aragno ammaan xumada dalka ka jirta, iyadoon aan aragno siyaasadii dalku halka ay ku socoto, haddana in adduunka la jahwareeriyo oo la yiraahdo dalku waa fiican yahay, ceelashii bartroolkii in la iibgeeyo ayaanu ka shaqaynaynaa, runtii wax isqaban kara ma aha, runtuu kama sii aamusi karno khaladaadka jira, warqad rasmi ayaanu ka soo saari doonaa

Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Federaalka ee Muqdisho inay ka gaabsatay in laga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee ka dhaxeeya dowladda federalaka iyo Maamul goboleedyada

” burburkii shirkii dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada ee garowe waxaa sabab u ahaa in wadatashi laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee arrimaha siyaasada, hannaanka amniga loo sugayo, hannaanka khayraadka dalka loo qaysanayo iyo sida dalka loo xasilinayo, runtii xukuumada hadda jirtaa waa ka gaabsatay arrimahaas oo dhan” ayuu yiri madaxweyne deni

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay xaalada amni iyo qaraxyadii u dambeeyay ee ka dhacay caasimadda Muqdisho. waxa auu sheegay in loo baahan yahay in aan indhaha laga laaban waxa ka dhacaya caasimadda Muqdisho.

” waxaanu maalmahan idaacadaha ka maqlaynay Dowladda Somaliya oo guddiyo u saaraysa maalmaha xoriyada ee 60 guurada soo socota iyo wasiir oronaya dalka oo dhan baanu ka dhigaynaa xaflado iyo xusid, waxaa nasiib darro ah in labadii meeleed ee isku jiray dhowr boqol oo mitir ammaankeeda la sugi waayay, arrintaas waxay u baahan tahay in dadka Somaliyeed si dhab ah u eegaan marxlada ay marayaan oo in xaqiiqada la wajaho ayaa haboon, waxaan rajaynayaa waxa ka dhacaya caasimadda Somaliya ee Muqdisho inaan indhaha laga laaban, dadka Somaliyeed waxaa la rabaa inay tashadaan oo mustaqbalkooda ka taliyaan” ayuu yiri madaxwyene deni

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay dadka reer Puntland inay qaataan kaalinta kaga aadan badbaadinta mustaqbalka ummada Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *