IRAN Ma Aargudatey Mise Wejigeeda Ayey Bad-baadsatey?

Published: January 8, 2020

Muxuu ka dhigan yahay gantaalada IRAN ku weerartey Saldhigyada ciidamada Maraykanku isticmaalo ee Ciraaq ee aan cidna waxba ku noqon?

Habeenkii xalay ayaa ciidamada IRAN oo ka jawaabaya dilkii Gen. Qassem Suleymani, waxay weerar gantaalo ah ku qaadeen labo Saldhig oo ciidamada Maraykanku isticmaalaan kuwaas oo ku yaala Cayn Al-Assad iyo mid ku dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Erbil dalka Ciraaq. Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee IRAN Mohammad Javad Zarif, waxaan bartilmaameedsaney ayuu yiri Saldhigyadii weerarka looga qaadey Gen Qassem Suleymani gudaha Ciraaq, taas oo waafaqsan ayuu yiri Qaraarka Isdifaaca ee Qaramada Midoobey.

Ma jirto cid la og yahay oo wax ku noqotey gantaalada, waxa keliya ee ay sameeyeen ayaa ah in gantaalo la hagayo, aan la iska difaacin ay ku dhaceen gudaha Saldhigyada taas oo ahayd fariin cad oo keliya.

qaar kamid ah falanqeeyaasha arrimaha siyaasadda ee Bariga Dhexe ayaa sheegaya in weerarkan uu ahaa mid IRAN ay laba arrimood uga jawaabeyso:

  • In ay ka dhabayso ballanqaadkeedi ahaa in ay aargudaneyso
  • In Ay wejigeeda fadeexad ka badbaadiso marka loo eego shacabkeeda oo aaskii Suleymani keliya 50 qof oo kale kaga dhinteen kuwaas oo is jiiray.
  • Tan saddexaad ayaa ah in jawaabteedi aysan xaaladda uga sii darin.

Waxaa si weyn loo hadal hayaa qodobka labaad iyo kan saddexaad marka la eego halka ay bartilmaameedsadeen iyo sida aan wax khasaare ah u dhicin, in uu ahaa mid ay weji gabax isaga ilaalinayaan, maadaama kacdoon kale uu gudaha dalkaas ka socdo, arrintaas waxaa xaqiijin kara hadalada ka soo baxay Ayatullah Khumeyni iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee IRAN.

Al-Khumeyni ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Maraykanku ka isticmaalo gudaha Ciraaq taas oo jawaab u ah weerarkii iyo xadgudubkii ay ku dileen Gen. Qassem Suleymani. Al-khumeyni ayaa Maraykanka uga digey in ay jawaab ka bixiyaan weerarkooda, wuxuuna sheegay in haddii ay Jawaab bixiyaan iyaguna ay sii wadayaan in ay weeraro kale la beegsadaan, sidaas si lamid ah waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee IRAN oo sheegay in ay kala joogaan, Maraykankana laga doonayo in aysan sii wadin oo xaaladda uga daraan, haddii ay sameeyaan anaguna jawaab ayaan bixineynaa ayuu yiri.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa uu sheegay in gantaaladu wax dhib ah geysan xaaladuna ay tahay mid wanaagsan.

Waxaa hadda kubaddu ag taalaa Maraykanka oo aan cidna waxba uga noqon gantaalada IRAN, waxaana la aaminsan yahay in Maraykanku aanu jawaab kale ka bixineyn gantaalada IRAN.

Istraatiijiyadda IRAN ayaa ah in ay sii wadaan taageerada Malayshiyaadka ka soo horjeeda Maraykanka ee gudaha Ciraaq, dib u abaabulaan kooxoo hiore sida Sadriyiinta, si waxyeelo loo gaarsiiyo danaha Maraykanka, laakiin ma dhici karto in Iran ay sii waddo in ay gantaalo kale ku rido Saldhigyada Maraykanka iyo ciidamadiisa, waxaana dalka Ciraaq noqon karaa mid dib ay uga dhacaan dagaalo Proxy War ah.

Si kastaba gantaalada la hagayo ee si toos ah loogu bartilmaameedsadey Saldhigyada hoyga u ah Ciidanka Maraykanka, taas oo loo ridey si xariifnimo ah, ayaa ah fariin cad oo Iran ku sheegi karto in ay geysan karto waxyeelo intaas ka badan.

Caalamka ayaa si weyn uga welwelsan in xaaladdu faraha ka baxdo waxaana soo baxaya baaqyo dhamaan dhinacyadu in ay xaaladda dejiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *