Iran oo warbixin Hordhac ah ku shaacisay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii ay qaaday.

Published: January 8, 2020

Sida uu baahiyay Telefishanka Ku hadla Afka Dawlada Iran waxay sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen xarumaha ciidamada Maraykanku ku leeyahay Dalka Iraq ay ku dileen in ku dhaw 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Maraykanka, Dawlada Iran waxay sheegtay in khasaaruhu uu intaas ka badnaan karto.

Wasiirka Arimaha Dibadda Iran ayaa horay u sheegay in Iran talaabada ay qaadayso uu yahay mid ay isku difaacayso, Sidoo kalena ay ugu aar-gudayso dilkii loo gaystay hogaamiyihii Ciidamada Quds Saluiman Qaasim.

Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Dalka Iran Aayatulaah Khumaini ayaa horay u sheegay in ay ka aar-goosan doonan cadawgooda oo uu ula jeeday Maraykanka.

Trumt Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in ay waddaan qiimayn la xiriirta khasaaraha ka dhashay weerarka, Sidoo kalena waxaa laga dhawrayaa Maraykanka in ay soo saaraan war-saxafadeed ay uga hadlayaan weerarkaan sida uu shaaciyay Aqalka-Cad ee Maraykanka.

Xiisada Barigga Dhexe ayaa ah mid cakiran, waxaana la saadaalin karin in maraykanku uu jawaab kale ka bixiyo weerarkaan. Iran ayaa sidoo u hanjabtay Wadamada ay xulafada yihiin Maraykanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *