Hargaysa: Gollaha Wasiirada oo Ansixiyay xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

Published: January 9, 2020
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Shirka Gollaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagaga dooday xeerar cusub, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey xeer in muddo ah ay goluhu ka doodayeen.

fadhiga gollaha waxaa maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu kusoo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland warbixin lagaga dhegaystay.

Golluhu wuxuu sidoo kale dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay laba xeer oo kala ah:

1. Xeerka Ilaalinta xuquuqda carruurta iyo 
2. Xeerka maalgashiga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *