Muqdisho – DFS oo ka hadashay howlago ay ciidamadu fuliyeen

Published: January 9, 2020

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in miinooyinka ay  qarxiyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran  ayna ku aasnaayeen dhulka, waxayna Al-Shabaab  doonayeen in falal amni daro ka geystaan magaalada Muqdisho.

Xaafadda Baar-Ubax oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa ciidamadu ka fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsanayay rag la tuhunsayahay oo ka tirsan Al Shabaab.

“ Ciidamada Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa had iyo jeer u taagan ka hortagga dhagarta ay cadawga umadda Soomaaliyeed maalin kasta u soo maleegaan kooxda Xagjirka Al Shabaab oo baneystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah”.

ayuu yiri Afhayeenku.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya  ayaa  xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan dagmooyinka Warta Nabadda  iyo Howl wadaag ee Gobalka Banaadir, waxaa ayna ciidamada qarxiyeen  laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *