Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo lagu dhawaaqay.

Published: January 10, 2020

Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee Galmudug kaas oo ka kooban 83 Xildhibaan.

Xildhibaan cusub ayaa waxaa qayb ka ah 20 xubnood oo qoondo ahaan loo siiyay Ahlu-Sunah Waljameeca, Dhawaan Magaalada Dhuusa-mareeb shir ku qabtay qaar ka midda Odayaasha dhaqanka Galmudug kuwaas oo sheegay in saxiixyadoodii meesha laga saaray, Sidoo kale waxay DFS ku dhaliileen in ay fara-gelin ku hayso.

Sidoo kale dhawaaan waxaa guddi kale ku dhawaaqay Madaxweyne Xaaf isagoo sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha uu dib-ugala soo noqday wakaaladiisa, Xubnaha cusub oo lagu waddo dhawaan in la dhaariyo ayaa dooran doona Gudoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *