Iiraan Oo Lagu Eedeeyay inay Soo Riday Diyaaradii Ukrain ee 176 qof ku Dhinteen

Published: January 10, 2020

Muuqaal cusub oo warbaahinta caalamku ay baahisay ayaa muujinaya gantaal nooca dhulka laga gano lagu dhuftay diyaaradii nooca rakaabka ahayd ee laga lahaa dalka Ukrain.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ayaa soo dhacday wax yar kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Imaam Khumayni ee Magaaladda Dahraan, waxaana ku dhintay 176 qof oo saarnaa

Ra’isul wasaaraha Canada Trudeau ayaa sheegay inuu aamisan yahay in gantaal uu burburiyay diyaarada, waxaan uu ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo waxa sababay burburka diyaarada.

Dowladda Ukrain ayaa dhinaceeda sheegtay inay baaritaan ku samayn doonto waxa keenay burburka diyaarada.

Dowladda Iiran oo diiday inay wareejiso sanduukha madow ee lagu kaydiyo xogta diyaarada ayaa meesha ka saartay in gantaal uu ku dhacay diyaarada, hase yeeshee waxay sheegtay inay diyaar u tahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo shilka diyaarada waxa sababay.

Shilka diyaaradeed ayaa dhacday saacado ka dib markii dowladda Iiraan ay gantaalo ku tuurtay saldhigyada Maraykanku ku leeyahay wadanka Ciraaq. iyagoo kaga aargudanaysa dilkii Maraykanku u gaystay Generaal Qasim Sulaymaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *