Trump Oo Ka Masayray Ra'isul Wasaare Abi Axmed

Published: January 10, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo shalay khudbad u jeediynayay boqolaal kun qof oo taageerayaashiisa oo isugu soo baxay magaalada Toledo ee gobolka Ohio ayaa sheegay inuusan garanayn sababta uu ugu guulaysan waayay abaalmarinta Nabada ee Nobel Peace Price.

Wuxuu sheegay inuu baajiyay dagaal weyn oo dhici lahaa, islamarkaana uu badbaadiyay dalal

” heshiis ayaan galay, waxaan badbaadiyay wadan, waxaan kaliya oo maqlay in hoggaamiye wadankaas uu haatan helay abaalmarinta nabada ee Nobel si uu u badbaadiyo wadanka” – Trump wuxuu sheegay inuusan helin abaalmarinta Nabadda ee Nobel

Madaxweyne Trump ma uusan magacaabin hoggaamiyaha ku guulaystay Abaalmarinta Nabada, hase yeeshee waxaa muuqata inuu ula jeeday Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abi Axmed oo sanadka 2019ka la siiyay abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabada.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abi Axmed oo guddoomaya Abaalmarinta Nabada

11 kii bishii October ee 2019 ayaa lagu dhawaaqay in Abaalmarinta Nabada uu ku guulaystay Abi Ahmed, waxaana la guddoonsiiyay 10kii bishii December ee sanadkii hore.

Madaxweyne Trump oo ah nin hadalka la gaban ayaa dhawaan aad uga carooday markii Majalada caanka ah ee Times ayaa shakhsiga sanadka 2019kii u dooratay gabadha u dhaqdhaqaaqada cimilada adduunka Greta Thunberg oo u dhalatay wadanka Sweden.

Waxaa uu sheegay inuu filayay in sanadkan loo doorto shakhsiga sanadka madaama uu badbaadiyay Kumaankun oo qof oo ku dhiman lahaa banaanbaxyada ka socday Jasiirada Honkong, isagoo ka badbaadiyay in ciidamada Shiinuhu xoog u adeegsadaan banaanbaxyaasha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *