Hogaamiyihii Dalka Cumaan oo geeriyooday.

Published: January 11, 2020

Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo ahaa Suldankii xukumayay Cumaan ayaa warbaahinta dalkaas ay shaacisay in uu geeriyooday, Qaabuus ayaa ahaa hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa bariga dhexe iyo guud ahaan Carabta. Isagoo dalkaas xukumayay muddo Nus qarni ah (50 Sano).

Sanaddii 1970-kii ayuu aabihiis afgambi aan dhiig ku daadan talada kagala wareegay Saldanaddii Musqaat iyo Cumaan oo loo baxshay wadanka Cumaan.

Qaabuus muddo wuxuu la xanuusanayay cudurka Kansarka, wadanka Beljimka ayuu u joogay dawayn bilihii u danbeeyay.

Qaabuus ilmo ma dhalin, sidoo kale wax walaalo ah oo waalidkii dhaleen ma aysan jirin. Waxaa ugu dhow oo xilka kala wareegaya dhowr ilmo adeeradiis ah midkood. Qoyska saldanaddu muddo saddex maalmood ah ayaa ay haystaan si ay u soo xushaan Suldaanka hogaaminaya Saldanadda Cumaan.

Waxa loo badinayaa inuu Suldaanka Cuman noqon doono Asad Bin Tariq Alsaid oo ah raysalwasaare ku xigeenka dalka ahna ilma adeerka koobaad ee Qaabuus. Waana shakhsigii ugu dhawaa Qaabuus ahna 65jir aad uga muuqda.

Saldanadda.Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *