Iran oo Qiratay in ay soo riday diyaaradii kusoo dhacday Tehran.

Published: January 11, 2020

Dawlada iran ayaa qiratay in ay soo riday diyaarad shacab oo bilawgii asbuucaan kusoo dhacday agagaagarka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Tehran, Dawlada ayaa arinkaan ku sifaysay “Khalad Bini’aadam”

Dawlada Iran ayaa sheegtay in ay ka tacsiyeynayso geerida ku timi dadkaas shacabka ah ” Waxaan u ducaynaynaa dadkii ku dhintay shilkaan, waxaana xanuun la qaybsanaynaa Eheladooda.

Ugu danbayn Iran waxay sheegtay in si khaldan loogu dhuftay diyaaradaas Gantaal, ayna sharcigga horgayn doonaan sidii masuulka ka ahayd, Sidoo kale waxay balan-qaadeen in khaladkaan markale uusan soo laabanayn.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *