Madaxtooyada oo War Ka Soo Saartay Kulankii Deni iyo Yamamoto-SAWIRO

Published: January 11, 2020

Safiirka maraykanka u fadhiya magaaladda Muqdisho Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo ayaa booqasho ku yimid magaaladda Bosaso, waxayna la kulmeen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kullan 4 saac qaatay waxay ku yeesheen garoonka diyaaradaha ee magaaladda Bosaso.Warsaxafadeed kooban oo madaxtooyadu ka soo saartay kulanka madaxweynaha iyo safiirka ayaa waxaa lagu yiri

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya”

Safiirka iyo saraakiil ka tirsan milateriga Maraykanka oo ku weheliyay safarka ayaa isla galabta ka duulay garoonka diyaaradaha Bosaso.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *