Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Puntland.

Published: January 11, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Agaasime ku-xigeenka Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Wareegtada magacaabida oo soo baxday 8 Jannaayo 2020 ayaa Abdirisaaq Warsame Seeraar loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Wareegtada madaxweynaha waxaa kaloo lagu magacaabay Anisa Cabdiraxmaan Maxamed oo noqonaysaa Agaasime ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Dowladda Puntland.

Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in guddoonka cusub ee Bangiga dhexe loogu xushay Aqoontooda, Kartidooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo, islamarkaana la tixgaliay Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Baanka dhexe ee Dowladda Puntland.

Dhinaca kale, guddiga maaliyadda ee barlamaanka Puntland oo sanadkii hore warbixin ka soo saaray xaalada bangiga Puntland waxay dhaliileen qaabka uu shaqeeyo bangigu waxayna dalbadeen in dib u habayn lagu sameeyo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *