Maxay tahay sababta loo qisaasi wayay ragii loo xukumay Caa'isho Ilyaas?

Published: January 11, 2020

Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland, Nuur Ciise Maxamed oo u waramay warbaahinta Puntland, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keenta in aan weli la fulin xukunkii lagu riday Seddax nin oo lagu helay kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Seddaxda xukunsane oo kala ah, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen kufsi iyo dil bishii February ee sanadkii 2019-kii waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay marxuum Caa’isha Ilyaas Aadan.

Guddoomiyaha oo si kooban uga warbixiyay heerarka uu soo maray kiiska Caa’isha, ayaa sheegay in Maxkamadda Derejada koowaad ee gobolka Nugaal, ay dil toogasho ah ku ridday Seddaxda xukunsane 12-May-2019, xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Nuur Ciise, wuxuu intaasi ku daray, in Maxkamadda Sare ee Puntland 25-kii August 2019, ay rasmiya u ayidday dilka lagu riday Saddexda xukmane, taasi oo ka dhigan in heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Puntland ay isku raaceen xukunkaasi.

Sidoo kale, wuxuu xusay in seddaxda xukunsane ay dib u-eegis ka qaateen xukunkii kama dambaysta ahaa ee Maxkamadda sare , balse dib u eegistaasi ay mar kale laashay Maxkamaddu, sidaasi darteedna xukunkaasi uu fulin suge yahay hadda.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay sababta aan weli loo fulin xukunkii dilka ahaa ee lagu riday seddaxda xukunsane, ayaa sheegay in ay weli xafiiska xeer-ilaalinta Puntland ka sugayaan galkii xukun-fulinta, oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas dalabka ee ehelada marxuumad Caa’isha Ilyaas.

Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay in Xafiiska Xeer-ilaalintu ay Maxkamadda u soo gudbiyeen, codsi ku aaddan fulinta xukunka, balse aysan ku soo lifaaqin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka, sidaasi darteedna uu galkaasi kala dhimanyahay weli.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha ayaa caddeeyay in madaxweynaha Puntland uusan wax saxiix ah ku yeelan karin kiiskan, maadaama uu yahay xukun madaniya, isagoo xusay in madaxweynuhu saxiixo keliya kiisaska ciidamada qalabka sida.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *