sharciga doorashooyinka Federaalka oo La Horgeeyay Xildhibaanada Aqalka Sare

Published: January 11, 2020

Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeynayaa sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiinayaan aqrinta koowaad.

Laba todobaad ka hor ayaa guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay guddi senatorro ah oo ka koobnaa todoba xubnood, kuwaas oo diyaarinaya sharcigaan isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan senatorada.

27-kii bishii December ee sanadkii hore ayaa waxaa meel mariyay sharciga doorashooyinka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii muddo laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan.

Qaar ka mid aha xildhibaanada aqalka sare iyo dowladda Puntland ayaa ka soo horyimid sharciga doorashada Federaalka.

HORSEEMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *