Deni oo Xilkii Ka Qaaday Guddoonkii Maxkamadda Ciidamada Iyo Danbiyada Culus

Published: January 12, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday guddoonkii sare ee Maxkamada ciidamada iyo dambiyada culus ee Puntland, islamarkaana magacaabay lix garsoore oo cusub.

Wareegtada magacaabista garsoorayaasha cusub ayaa ku soo baxday Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah loogu magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland.

G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan ayaa madaxweynuhu si ku meel gaar ah ugu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu xilka qaadis ku sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda kuwaasi oo kala ah

S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore
G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore 

Xil-ka-qaadista guddoonka sare Maxkamada ciidamada ayuu madaxweynuhu ku sababeeyay Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanayay mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland iyo sidoo kale In dib-u-habeyn lagu sameeyo maxkamada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *