Iran oo xabsiga kasii daysay danjiraha UK ee Tahraan

Published: January 12, 2020

Rob Macaire Danjiraha UK ee Waddanka Iiraan  oo ciidanka nabadgelyada ee Iiraan ay xireen muddo 3 saac ah kaddib dibadbaxyo waaweyn oo kadhacay Tehraan ayaa dib u helay xorriyaddiisa,  Qabashada danjiraha ayaa timid kaddib markii lagu eedeeyey in uu taageeray Bannaanbax looga soo horjeedo xukuumadda Iiraan kaddib markii ay qiratay in ay si qalad ah u ridday diyaaraddii UIA taas oo ay kudhinteen 176 qof oo saarnayd.

Ciidanka Nabadgelyada ayaa xiray danjiraha UK ee Tahraan fiidnimadii Sabtiga muddo 3 saac ah kagadaal Isu soo bax ay arday kaqaybgaleen oo kadhacay bannaanka jaamacadda Amiir Kabiir ee Tahraan kaas oo lagu dalbaday in uu xilka kadego hoggaamiyaha sare ee Iiraan Cali Khamanie, sida ay kuwarrantay Warbaahinta Iiraan.

Xarigga Rob Macaire Danjiraha UK ee Waddanka Iiraan waxaa soo farageliyey Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Iiraan iyada oo ku guuleysatay sii deynta Safiirka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda UK ayaa cambaareysay xarigga danjireheeda iyo sida loola dhaqmay waxa ayna ku tilmaantay xariggaas kutusho cad oo loo geystay xeerka caalamiga, wakaaladda Wararka ee Tasnim (Tasnim News Agency) oo laga leeyahay Iiraan ayaa sheegtay in laqabtay Rob Macaire Danjiraha UK intii uu socday bannaanbax lagu qabtay bannaanka mid kamid ah Jaamacadaha Tahraan

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *