Libya: Dowladda iyo General Haftar oo Xabad Joojin ku Heshiiyay

Published: January 12, 2020

Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya iyo kooxda uu hoggaamiyo Genereal Haftar ayaa ku heshiiyay xabad joojin si wadahadal lagu dhameeyo xiisada ka dhex taagan dalkaasi Liibiya.

Wadamada Ruushka iyo Turkiga ayaa ka shaqaeeyay xabad joojinta , waxaana Labada dhinac ay ku heshiiyeen in Xabad joojintu bilaabato maanta oo Axad ah.

Maleeshiyaadka ka amar qaata General Haftan oo ay taageeraan dowladaha Imaraadka, Masar iyo Sucuudiga ayaa ku guuldaraystay dagaal uun doonayay inuu ku qabsado caasimadda Liibiya Tripoli oo ay maamushu dowladda uu caalamku aqoonsan yahay.

Haftar ayaa hada gacanta ku haya 3 meelood 2 meel magaalooyinka waaweyn ee dalka Liibiya, wuxuuna hada heystaa 80% xarumaha batroolka laga soo saaro, wuxuuna doonayay inuu gacanta ku dhigo magaalada Tripoli si u soo dhiso dowlad uu isagu madax ka yahay.

Wadanka Liibiya oo qani ku ah Shidaalka ayaa waxaa aafeeyay dagaalo sokeeye tan iyo markii kacdoon dadweyn xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee liibiya Macamer Qadaafi Sanadkii 2011kii. Qadaafi ayaa dalkaasi maamulayay muddo 40 sanno ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *