Madaxweyne Farmaajo oo u tacsiyeeyay qoyskii marxuum Axmed-Kayse Xaaji Ducaale

Published: January 12, 2020

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay Allaha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale .

Madaxweynaha oo khadka taleefanka kula hadlay Marwo Qamar Cabdulqaadir Faarax oo ah xaaskii marxuumkaasi iyo  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Khadra Axmed Xaaji Ducaale ayaa dhammaan xubnaha qoyska ,wuxuu Alle  uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo

Farmaajo waxa uu xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xornimada Gobollada Waqooyiga iyo sidii uu waqtigiisa ugu huray midnimada dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed,isagoo halgamaa Axmed-Kayse Ilaah uga baryey inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdawsa

Alle ha u naxariistee halgamaa Axmed-Kayse waxa uu ka mid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga sannadkii 1960-kii isaga oo sidoo kalena xubin ka noqday Barlamaankii ugu horreeyay ee maxmiyaddii Ingiriiska ee Waqooyiga.

Marxuumku waxa uu midowgii Labada gobol kaddib ka mid noqday Golihii Wasiirrada ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa halgankii dheeraa ee uu u galay xornimada ummadda Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada dowlad-dhiska Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *