Shacabka Iran oo dalbaday inuu is casilo Ayatullah Cali Khamanii

Published: January 12, 2020

Boqolaal ruux ayaa iskusoo baxay wadooyinka waa wayn ee caasimada dalka Iran kuwaas oo dalbanaya in uu iscasilo hoggaamiyaha dalkaasi Ayatullah Cali Khamanii.

Dibad baxyaasha ayaa ka careesan diyaaradii dhawaan ay soo riday dowladda Iran taas oo ay Iran ku sheegtay in ay usoo dhacday si kam ah.

Dibad baxyada ayaa ka dhacay afaafka hore ee labo jaamacadood oo ku yaalo caasimada Tehran.

Safiirka u fadhiyo dowladda UK magaalada Tehran ayaa dibad baxyada lagu xiray kadib markii uu ka qayb qaatay inkastoo markii dambe lasii daayay.

Boqolaal ruux ayaa iskusoo baxay wadooyinka waa wayn ee caasimada dalka Iran kuwaas oo dalbanaya in uu iscasilo hogaamiyaha dalkaasi Ayatullah Cali Khamanii.

Dibad baxyaasha ayaa ka careesan diyaaradii dhawaan ay soo riday dowladda Iran taas oo ay Iran ku sheegtay in ay usoo dhacday si kam ah.

Dibad baxyada ayaa ka dhacay afaafka hore ee labo jaamacadood oo ku yaalo caasimada Tehran.

Safiirka u fadhiyo dowladda UK magaalada Tehran ayaa dibad baxyada lagu xiray kadib markii uu ka qayb qaatay inkastoo markii dambe lasii daayay.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Dowland Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka dibad baxyaasha ku dhiira galiyay in ay sii wadaan dibad baxyada ay kaga soo horjeedaan xukunka Iran.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa Twitter-ka ku soo qoray: “Weligey ma cafin doono dowladda dalkeyga, dadka meesha joogay ee haddana beenta sheegaya.”

“Waxay ku socotaa dadka geesiyaasha ah ee dhibban ee Iiraan: Waan idiin garab taaganahay tan iyo markii aan madaxweyne noqday dowladdeyduna way sii wadi doontaa inay idiin garab istaagto.

ayuu Madaxweyne Trump ku yiri qoraal uu ku soo qoray luqadaha English-ka iyo Farsi.

“Si dhow ayaan ula soconnaa dibadbaxyadiinna. Geesinimadiinnu waa mid dhiirrigelin ah.”

Twitter waxaa daabacay @realDonaldTrump: The government of Iran must allow human rights groups to monitor and report facts from the ground on the ongoing protests by the Iranian people. There can not be another massacre of peaceful protesters, nor an internet shutdown. The world is watching.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo wadaagay muuqaal laga qaaday dibadbaxyada ka socda Iiraan, isagoo yiri: “Codka dadka Iiraan wuu cad yahay. Waxay ka daaleen beenta dowladda, musuqmaasuqa, iyo Ilaalada Kacaanka ee dowladda Khamenei. Waxaanu la jirnaa dadka Iiraan ee u qalma inay helaan mustaqbal wanaagsan.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK Dominic Raab ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay caro ka muuqato kaddib markii safiirka Britain Rob Macaire la xiray, iyadoo aan wax sharraxaad ah laga bixin.

Mr Macaire ayaa lagu xiray halka uu dibadbaxu ka socday ee bannaanka jaamacadda Amir Kabir, inkastoo markii dambe la sii daayay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *