Shir looga hadlayo Arimaha Deegaanka oo lagu qabtay Magaalada Qardho.

Published: January 12, 2020

Qabashada shirkaan ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Gobolka Karkaar, Kan Degmada Qardho iyo Wasaarada Deegaanka Puntland ayaa diirada lagu saaray Caqabada jirra iyo sida xal waara looga gaari karo.

Intii shirku socday waxaa si adag looga dooday 4 qodob oo kala ah.

1: Dhulka xoolo daaqeenka ah ee sida sharci daradda ah loo boobayo loona seeeraysanayo.

2: Xadidnaanta Magaalooyinka si gaar ah calaamadaynta meelaha ay ku egyihiin.

3: Ka hortagga samaysanka Wadooyinka Cusub iyo burburinta Dooxooyinka baadiyaha ah.

4: Sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha jirra.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, ku ku xigeenka 1aad ee Gobolka Cabdi-casiis Yuusuf Caamir, Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, Taliyaha Qaybta Cabdi-qaadir Jaamac Dirir iyo Odayaasha deegaanka ayaa shirkaan kasoo qaybgalay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *