Alshaabab oo 4 nin ku toogatay deegaanka Sablaale.

Published: January 13, 2020

Ururka Alshabaab ayaa meel fagaare ku toogtay 4 nin oo lagu eedeeyay in ay u shaqaynayeen dawlada Federaalka ah re Soomaaliya, toogashada ayaa ka dhacday deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa halkaasi ku toogatay Ayuub Xassan Buraale oo da’diisu tahay 23 jir, Xassan Cusmaan Cali (Abayle ) iyo Xassan Faarax Maxamed oo da’doodu tahay min 40 sano, iyo sidoo kale Xuseen Xassan Geelle oo 30 jir ah.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *