Ciidamada Federaalka oo Shabaab kala wareegay deegaanka Tooratooroow

Published: January 13, 2020

Ciidamada Kumaandooska ee Danab ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka toorotoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay la wareegeen deegaanka toorotoorow oo fariisin u ahayd maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay aad u soo dhaweynayaan howlgalka ay ciidamada xoogga kula wareegeen deegaanka, halkaasi oo ay ciidamada ka qeybiyeen buskut iyo waxyaabo kale.

“Jawiga wey dagantahay hadda ciidamada dowladda ayaa la waregay, Shabaabkiina waa ay firsaxadeen” ayuu yiri goob joogaha la hadlay radio muqdisho.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *