Aqalka Sare oo meel mariyay sharciga saxaafadda Federaalka

Published: January 14, 2020

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay sharciga Saxaafadda Soomaaliya, kaasi oo ay hor geysay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Kalfadhiga 6aad kulankiisa 29aad oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa ka qeybgalay maanta Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senator Axmad Macalin Cumar Nadiir ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare Hindise-sharciyeedka Saxaafadda.

Kadib dood dheer oo goluhu uu ka yeeshey sharciga Warbaahinta ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa ay isku raaceen in si rasmi ah loo meel mariyo.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in sharcigan ay Haa ku ogolaatay 23 Senator, halka 3 ay diiday waxaana ka aamusay 1 Senator sidaas ayuuna ansax ku yahay sharciga.

Sharcigan waxaa horey u soo ansixiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana loo gudbin doonaa Madaxweynaha dalka si loogu soo saaro faafinta rasmiga ah.

Warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya ayaa si weyn uga horyimid sharcigan

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *