Dhuusamareeb – Askari dilay qof shacab ah oo gacanta lagu dhigay

Published: January 14, 2020


Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada booliska magaalada ay gacanta ku dhigeen askari xalay qof shacab ah ku dilay magaalada, iyadoo marxuumka la dilay uu watay mooto bajaaj.

Sida wararku sheegayaan marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana la sheegay inuu ahaa qof dhagool ah.

Askari ka tirsan ciidanka Nabad-sugida ayaa ka dambeeyay dilka, waxaana isla xalay ciidamada u suura gashay inay gacanta ku dhigaan, kaddibna ay xabsiga u taxaabaan.

Wararka ayaa sheegaya in mootada uu watay marxuumkaas oo mareysay goob ciidamada ka ag-dhowaayeen, markii lala hadlay uu maqli waayay, taasna ay sababtay in rasaas ay ciidamada ku fureen uu u geeriyoodo.

Dhacdadan ayaa si weyn u saameysay magaalada Dhuusamareeb oo ay isu diyaarineyso doorashada Madaxweynaha iyo tan Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in dhowaan ka dhacdo magaalada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Allaha u naxariisto adeerkey/Aabahey labaad Cabdiraxmaan Maxamuud Siigaale oo xalay gacan ka xaq daran ku dhishay Dhusamareeb
    Samir iyo iimaan allaha naga siiyo dhamaanteen.
    Anagoo og, qirsanna qadarta rabbi oo ay tahay xaalad eebe weyne uu noo qoray, hadane waxaa naxadin iyo amakaag nagu abuuray sida silaca iyo arxan darada ah oo ciidanka dowladu ay adeer xabada ugu dufteen, hadane mudo saacad ah ay diideen in meesha laga qaado iyo dadkii na cawin lahaa oo uu halkaas ku dhiig baxay kadibna uu geeriyooday.

    Waxay aheed habeen madoow bacdal cishe ah, wuxuu ku socday waddo weeyn oo shacab xaafadahana dhexmarta, maaheeyn goob ciidan ama madax la waar diyeeyo xataa ka dhowyihiin, mootaduu saarnaa joog lama dhihin toosh ama calaamad lama muujin cadeynaya in meesha ciidan joogo xabad uun ayey afka u galiyeen.

    Sideen ku dhihi karnaa waa nabad sugid ama aan u aaminaa ciidan hadiiba sidaan shacabka lagu sameeyo?