Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ku heshiiyay iskaashi labada dhinac ah

Published: January 14, 2020

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta shir  uga furmay magaalada Baydhabo ayaa kaga wad hadlay arrimo badan oo ku saabsan iskaashi dhex mara labada dhinac.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga ee dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada labada dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Safiirka Midowga Yurub e Soomaaliya, Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo xubno kale oo shirka lagu casuumay.

Shirkan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa lagu soo bandhigo doonaa kaabayaasha dhaqaale ee ay leeyihiin labadaas maamul, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nunow ayaa sheegay in labada Maamul ay ku heshiiyeen sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, dib u dhiska waddooyinka labada maamul iyo iskaashiga kaabayaasha dhaqaalaha.

“Ajandaha shirka waxa uu ahaa oo aan kala hadleynay Midowga Yurub  xoojinta amnigaguud ee labada dowlad goboleed, xasilinta Nabadgelyada, iskaashiga dhaqaale oo ay yeeshaan labada dowlad goboleed, gaar ahaan horumarinta xannaananada xoolaha, horumarinta beeraha, horumarinta kalluunesiga, dhismaha waddooyinka isku xira labada maamul iyo  ka hortagga fatahaadda ka dhalata webiga Shabeelle” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *