Madaxwaynaha Austria oo warqadaha ka gudoomay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi

Published: January 14, 2020

Alexander van Der Bellen madaxweynaha Dalka Austria ayaa warqadaha aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Danjiraha dowlada Soomaaliyeed ay dhawaan u Magacaawday dalkaas ee Danjire Ebyan Maxamed Saalax (Ladane.)

Safiirad Ebyan ayaa sidoo kale ah danjiraha Soomaaliya ee Switzerland iyo Xarunta Labaad ee Qaramada Midoobey ee Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Madaxweynaha Austria Alexander ayaa isna dhankiisa sheegay in dawladiisu diyaar u tahay in ay si wyen ula shaqeyso Safiirka Cusub ee Soomaaliya dalkaas u fadhin doonta.

Ebyan ayaa horey u ahaan jirtey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *