Shirkadda Ethiopian Airways oo Duulimaad ka bilaabaysa Bosaso

Published: January 14, 2020

Wasaaradda Garoomada iyo duulista hawada ee dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay waqtiga uu bilaaban doono duulimaadka ay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian ku tegay magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga wuxuu sheegay in diyaaradaha Ethiopia Ariline ayaa 3 jeer ka dagi doonto garoonka Bosaso toddobaadkii

“Duulimaadka kowaad waxa uu bilaban doona 03-02-2020, waxa ayna diyaaradu asbuuc kasta ka dagaysa 3 maalmood insha Allah, hadii ay suuq heshana sida Garowe bay duulimaad malinle ah bilaabi doonta” ayuu yiri Agaasimuhu

Agaasimuhu wuxuu sheegay in duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airways ee Bosaso ay ku xirnaan doonto hadba sida uu noqdo dalabaadka iyo baahida

https://www.facebook.com/Osman.A.Yusuf/posts/10222226363747369

“Halaga faidayso fursada cusub ee noso korortay, diyaaraduna rakab bay rabtaye hala raaco si aysan inooga joogsanin insha, Allah” ayuu yiri

Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airways ayaa duulimaad toos ah waxay ku tegtaa magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoo isku xirta Puntland, Adis-ababa iyo Caalamka, taasi oo u fududaysay dad badan oo qurbo joog reer Puntland inay yimaadaan dalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *