Wax badan ka ogow Nidaamka Aqlabiyadda ee doorashada 2020/2021

Published: January 14, 2020

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa shir-guddoomiyay kulankii 26-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Aqalka Sare- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo anjidihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyink Qaranka ee heer federaal.

Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka, ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-jeediyay, Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyink Qaranka Heer Federaal.

Faa’iidooyinka Nidaamka Aqlabiyada?

Habkan waxaa uu si xoogle u abuurayaa metelaada degaan ee ka dhaxeysa xildhibaanka iyo bulshada deegaanka. Waa nidaam muujinaya halaanshaha kursiga iyo metalaada cod-bixiyaha, isla-markaanna xoojinaya la xisaabtanka xildhibaanka.

Waa nidaam aad u sahlan oo si fudud loo fahmi karo, waa nidaam toos ah oo deg-deg ah oo najiijadiisu aaney marna muran laheyn. Cod-bixiyaha waxa uu si cad u kala xulanayaa musharaxiinta, madaama kursigu uu deegaameysanyahay, xisbigu waxaa uu ku qasbanyahay in uu tix-gelliyo rabitaanka bulshadda deegaannaka ee kursiga iska leh, waxaa uu fursad siinayaa cod-bixiyaasha in ay kala xushaan murashaxiinta u dhashay deeeggaanka ee ay garanayaan.

Nidaamkan waxaa uu sidoo kale dhiira-gellinayaa xukuumad aqlabiyad ku leh Baarlamaanka. Musharax kasta waxaa uu kusoo baxayaa ama ku harayaa codka uu gaar ahaan u helay, xisbina ma awoodo in uu codka maamulo ama uu cid kale siiyo.

Madaama doorashadu ay tahay mid deegaameysan oo toos ah, waxaa ay taasi keeneysa dadka muuqda ay doortaana dadka deegaanka iyaga oo aan xisbina taageero ka helin. Waxaa loo tar-tamayaal hab xisbi iyadoo kursina gaarkiisa loo dooranayo, taasina ay horseedeyso ilaalinta habka metelaada shacabka iyo bulshada dalka oo dhan.

Waxaa soo baxaya gole Baarlamaan oo tar-tan ku yimid, habkan waxaa uu meesha ka saarayaa ciladaha habka nisbada ee liistada xiran.

Guddomiyaha Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaji(Eng.Carab), ayaa sidaasi ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare.

Intaasi kaddib, Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejin doono Guddiga KGM ee ka Baraandegidda Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Aqalka Sare.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *