Duqa Muqdisho oo mashaariic horumarineed ka dhagax dhigay Degmada Kaxda.

Published: January 15, 2020

Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa Degmadaka dhagax-dhigay mashaariic horumarineed kuwaa oo loogu adeegayo bulshada Degmadaas Gudoomiye Cumar Filish ayaa dhagax-dhigay xarun caafimaad iyo dugsi ay si bilaash dadka degmadu uga heli doonaan adeegyo kala duwan, sidoo kale waxa uu dhagax-dhigay masjid lagu cibaadaysto.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in mashariicdaan ay dabooli doonaan baahiyo gaar ah oo bulshada degmada Qabtay Gudoomiye Cumar Filish ayaa dhankiisa sheegay in maamulkiisa ay ka go’antahay horumarinta adeegyadda bulshada iyo dib u dhiska caasimada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *