Gudoomiyihii Bangiga dhexe ee Puntland oo Sharci Darro ku Tilmaamay Xilka Laga Qaaday

Published: January 15, 2020

Guddoomiyihii bangiga dhexe ee Puntland Cabdi Ismaaciil Boos ayaa ka hor yimid, islamarkaana sharci darro ku tilmaamay xil-ka-qaadistii uu ku sameeyay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Mudane Boos oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe, wuxuu sheegay inuu yahay guddoomiyihii bangiga dhexe oo xasaanad leh, islamarkaana uusan aqoonsanayn wareegtadii madaxweynuhu xilka kaga qaaday, kuna magacaabay guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe.

” waxaan halkan ka cadaynayaa in wareegtadaasi anniga wax iga khuseeya aanay jirin, magacayguna ku qornayn qaabka loo soo marayna aanu waafaqsanayn sharciga u yaal dowladda Puntland” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyay

” madaxweynaha ayaa isagoo sababaynaya ka qaada xilka, waxaana la mariyaa gollaha barlamaanka oo ansixiya xil-ka-qaadista guddoomiyaha Bangiga.

Wuxuu sheegay in Xafiiskiisii lagu habsaday oo xafiis kale laga dhinac Furay ,islamarkaana la keenay guddoomiyaha cusub ee madaxweynuhu soo magacaabay

“Ninka uu soo magacaabay madaxweynuhu ayaa xafiiskaygii xafiis ku dhinac yaal la keenay, la fariisiyay, ciidan iyo askar beeleed loo keenay oo aan ahayn ciidankii bangiga u qornaa ee shaqaalaha ka ahaa

Guddoomiyihii hore oo warbaahintu waydiisay sababta xilka looga qaaday waxaa uu sheegay in madaxweynaha culays la saaray, islamarkaana si khalad loo galiyay in guddoomiyaha bangiga dhexe uusan xasaanad lahayn.

” Ma jeceli inaan magacyadooda sheego laakiin dad yar baa arrintaas danaynayna oo ku lug lahaa, sharcigii dalkan dhaawacaas intaas leeg u gaystay” ayuu yiri

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 11kii bishan Jannaayo waxaa uu xilka guddoomiyaha bangiga dhexe u magacaabay Cabdirisaaq Warsame Seeraar oo ka soo jeeda gobolka Sool ee Puntland.

HORSEEDMEIDA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *