golis

Murashax Qoor Qoor oo iska casilay xil uu ka hayay DFS

Wasiiru dowlaha howlaha guud ee xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay, maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxwaynaha Galmudug.

Go’aankan ayuu Axmed Qoor Qoor kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb oo uu galabta gaaray, isagoo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.

Musharax Axmed Qoor Qoor ayaa taageero ka heysta dowladda Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay inuu yahay Musharaxa ay si gaar ah dowladda ugu ololeyneyso inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Galmudug.

Hase ahaatee Musharaxan ayaa wajahaya loolan adag oo uga imaanaya Musharaxyo dhowr ah oo taageero ka heysta Xisbiyo iyo Ahlusuna Wal-jameeca oo xubno gaaraya 20 Xildhibaan ku leh Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda olole xoog leh oo loogu jiro hoggaanka ugu sareeya Galmudug, waxaana lagu wadaa in maalinta jimcaha ay ka dhacdo magaaladaas doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Reader Interactions

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *